Home Sooyaalkii Dagaalkii Burco-Duuray iyo Dagaalkii Buuraha

 Sooyaalkii Dagaalkii Burco-Duuray iyo Dagaalkii Buuraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Dagaalkii Burco-duuray 17/10/1984

Wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu caansanaa ee S.N.M gasho. Ciidanka Max’ed siyaad ayaa weerar ahaa, wuxuu ka dhacay meelo xero ah, oo ay daganayeen ciidamada S.N.M oo 25 KM xadka itoobiya galbeed ka xigta gudaha itoobiyana ah. Dagaalkan oo ahaa mid qadhaadh oo ay isku haleeleen  S.N.M iyo ciidankii max’ed siyaad. Xerada waxa joogay 400 oo askari oo S.N.M ah, halka ciidanka max’ed siyaad ahaayeen 1000 askari, 70 tikniko iyo gaadiid ku jiraan watay. Ka dib dagaal faraha lagaga gubtay ayaa toos u bilaabmay, waxaana markii dambe ay noqotay in la is-dhexgalo oo gacanta la isula-tago.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay wuxuu ahaa mid aan la soo koobi karin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa intii suurtagal ah. Dhinaca ciidanka max’ed siyaad waxa ku dhacay jab-weyn waxa lagaga diley dagaalka 170 askari, halka 11 baybayna lagaga gubay. Dhinaca S.N.M waxa laga diley 27 askari. Ragg waaweyn ayaa labada dhinacba kaga dhintay dagaalka. Dhinaca S.N.M waxa ku dhintay mujaahid max’ed xaashi dhamac “lixle”.

Dagaalkii Buuraha ee 25/11/1984

Dagaalkan waxa soo qaaday ciidamada S.N.M oo weerar ku soo galay buuraha silsilada xeebaha goliska ee somaliland gudaheeda. Duulaanka dhinaca galbeed waxa hogaaminayey C/laahi askar waxaanu watay 140 askari, waxay weerareen gaaskii Awdal fadhiyey ee koowaadQ.26aad oo tiro ahaan dhammaa dhawr iyo toban kun oo askari. Dhinaca bari ciidanka S.N.M waxa hogaaminayey max’ed kaahin axmed waxaanu watay 130 askari, waxay weerareen buuraha mirriya iyo goliska. Dhinaca buuraha sheekh ciidanka S.N.M waxa hogaaminayey Ibraahin C/laahi dhegaweyne, max’ed cali iyo c/salaan gabaxadi.

Isku- geynta ciidanka S.N.M ee weerarka ahaa waxay ahaayeen 350 askari, halka ciidanka max’ed siyaad ee qaybtii 26-aad ahaayeen 30 kun oo askari. Axmed xuseen (malloosh) oo ka mid ahaa ciidankii S.N.M ee galay buuraha galbeedka ayaa ka sheekeeyey dagaalkaasi waxaanu yidhi” Raggaasi waxay u badnayeen macalimiin, ganacsato, aqoonyahano iyo dhalinyaradii ardayda ahayd ee u adkaysan weyday cadaadiskii, dilkii iyo cabudhintii taliskii max’ed siyaad ee ku soo biiray S.N.M. markii aanu gaadhay buuraha dila waqooyi ka xiga, ayaa dhinac walba waxa naga hareereeyey ciidamada max’ed siyaad oo dhankii aanu u dhaqaaqnaba xabbad ayaa nagaga soo dhacaysay.

Diyaaradaha sahanka ah iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa na dul heehaabayey. Casarkii dambe ayaa buur yar nalagu soo ururiyey, afarta dhinac ayaanu u kala jeesanay markii ay saqdii dhexe ahayd, ayuu taliyahayagii C/laahi askar nagu amray in koox kasta horteeda bannaysato inta aanu waagu beryin, maxaa yeelay, haddii ay maalin noqoto midh nagamuu baxeen, ciidankii max’ed siyaad waxay soo daadguraynayaan gurmad xoogan. Koox kastaa waxay weerartay halkii ka horaysay oo ciidankii horfadhiyey ayey dagaal ku qaadeen. Ka dib waanu banaysanay hortayadii. Waxaanu isku helnay 36 mujaahid waana habeen madow. Waxaanu dhinaca isku helnay, axmed ibraahin (axmed weyne), mahdi isxal, cali case, cali-guray,aadan maal iyo kuwa kale.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Cibaarooyinka Qarniga(2003)………………. Cali Dool Axmed (Qoryooley)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories