HomeSooyaalka Wargaysyadii Ka Soo Bixi Jiray Somaliland 1949-kii ilaa 2015-ka, Aasaaskoodii iyo...

Sooyaalka Wargaysyadii Ka Soo Bixi Jiray Somaliland 1949-kii ilaa 2015-ka, Aasaaskoodii iyo Tifaftirayaashoodii – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cali coomayWargeysyadii 1949-kii ilaa 1960-kii.

  • Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda. Waxaanu soo baxay sannadkii 1949-kii. Wuxuu ka soo bixi jiray wiigii hal-mar. luuqada af-carabiga ayuu ku soo bixi jiray. Waxa lagu diyaarin jiray Hargaysa,waxaan lagu soo daabici jiray dalka Yaman. Waxa soo saari jiray Cali Maygaag Samatar iyo Jaamac Jibriil Rooble
  • Wargeyskii labaad waxa la odhan jiray AL-SOMAL, wuxuu soo baxay sannadkii 1951-kii. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Maxamuud Jaamac Uurdoox.
  • Wargeyskii saddexaad waxa la odhan jiray AL-LIWA wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii. Micnaha Al-Liwa waa calanka.wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Ahmed Yuusuf Ducaale.
  • Wargeyskii afraad waxa la odhan jiray QARNI-IFRIIQIYA, wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii badhtamahiisii. Macnaha wargayska ayaa ahaa Geeska Afrika. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi.waxa soo saari jiray Cumar Maxamed C/rahmaan(Cumar dheere).
  • Wargeyskii Shanaad waxa la odhan jiray AL-SARAAXA, oo micnaheedu yahay runta. Wuxuu soo baxay sannadkii 1959-kii. Sida kuwii hore ayuu af-carabi ku soo saari jiray. Waxa soo saari jiray C/casiis Xaaji Ismaaciil (Dakharre)
  • Wargeyskii lixaad waxa la odhan jiray Somalilandnews, oo micnaheedu yahay warkii Somaliland. Wuxuu ku soo bixi jiray af-ingiriisi. Waxa soo saari jiray C/rixiin Caabbi Faarax.

Wargeysyadii 1991-kii ilaa 2015-ka

  • Wargaysyada soo baxay waxa ka mid ahaa CODKA HARGEYSA, waxaana soo saari jiray C/rahmaan Yuusuf       Cartan, Cumar Jaamac, C/laahi Jaamac Max’ed, Nuur Faarax Xirsi , Cumar Iidle Saleebaan, Cawad Saalax iyo Muuse F. Jaambiir.
  • Wargayska XORRIYO ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay. Waxa soo saar jiray C/laahi Adan Cumar (Wayab), Faysal Fadhfadhle, Muuse Aadan Yuusuf iyo Xuseen Cali Nuur.
  • Wargayska Jamhuuriya ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay 2.Nov. Sannadkii 1991-kii.

Aasaasayaashii:Xasan Siciid Yuusuf, Faysal Cali Sh. Maxamed iyo Ibraahin Muxumed Aw-Axmed.

Tifaftireyaashii:Xasan Siiciid Yuusuf, Axmed Siciid Cige, Xuseen Cali Nuur, Faysal Cali Sh. Maxamed, Xariir Faarax Ducaale, Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed Cabdi Cirro.

F.G: Faysal Cali Sheekh wuxuu ii sheegay inuu ahaa suxufigii ugu xadhiga badnaa warbaahinta Somaliland. Wuxuu xidhnaa isku-geyn 400 oo maalimood. Dhinaca kalena Xasan Siciid ayaa isna ka mid ah suxufiyiinta xadhiga badan la kulantay.

  • Wargayska Waddani ayaa soo baxay muddo yar ka dib. Wargayskani muu sii jirin muddo badan. Waxa soo saari jiray Xasan Maxamed Yuusuf iyo Carraale.
  • Wargayska Baraarug ayaa soo isna soo baxay, oo ay soo saari jireen kooxo wadaado ah.
  • Wargayska Maandeeqoo imika la yidhaa Dawanayaa soo baxay ka dib waxaana soo saari jiray Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka), Axmed Cirro iyo Faysal C/laahi Cabdalle. Waana 1998-kii.
  • Wargayska Haatuf oo soo baxay sannadkii 2001-dii.

Aasaasayaashii:Yuusuf Cabdi Gaboobe, Axmed Ducaale Bulaale, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), Axmed Cali Garas iyo Muuse Faarax Jaambiir.

Tifaftireyaashii soo maray:Siciid Guraase (AUN), Maxamed Ibraahin Sagax, Maxamed Cismaan Dubbe oo imika ah Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee wasaarada arrimaha gudaha, Cali Cabdi Diini iyo Axmed Cali Cige

  • Wargayska Ogaal oo soo baxay sannadkii 2005-tii

Aasaasayaashii:Muuse Faarax jaambiir, C/weli Faarax Jaambiir (AUN).

Tifaftireyaashii soo maray:Mustafe Sh. Cumar, Maxamuud Walaaleeye, Barkhad M. Kaariye, C/fataax Mursal, Khadar Iid Kaariye iyo C/fataax Ismaaciil.

  • Wargayska Geeska Afrika oo soo baxay sannadkii 2006-dii

Aasaasayaashii:Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo). Tifaftire: Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo).

  • Wargayska SaxanSaxo oo soo baxay sannadkii 2007-dii. Aasaasayaashii:

C/laahi Daahir Cukuse.

Tifafireyaashii soo maray

C/risaaq Maxamed Dubbad iyo Cali Cabdi Diini

  • Wargayska Waaheen oo soo baxay sannadkii 2008-dii

Aasaasayaashii:Prof. Axmed Xuseen Ciise iyo Maxamuud Jaamac Xuuto

Tifafireyaashii soo maray:Maxamuud Jaamac Xuuto, Siciid Ismaaciil Guraase (AUN) iyo Naasir Maxamed C/laahi waana tifaftiraha ugu da’da yar.

  • Wargayska Yool oo soo baxay sannadkii 2008-dii. Maxamed Cabdi Curad ayaa Aasaasay Tifaftire ka ah.
  • Wargayska Saxafi oo soo baxay sannadkii 2009-kii. Aasaasayaashii:

Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), C/fataax maxamuud caydiid, C/fataax dheeg Axmed, Barkhad-Ladiif Muxumed Cumar iyo Maxamed-Amiin Jibriil.

Tifaftireyaashii soo maray:C/fataax Maxamuud Caydiid iyo Mustafe Sh. Cumar.

  • Wargayska Foorre oo soo baxay sannadkii 2011-kii. Aasaasayaashii:

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Mukhtaar Muxumed Xasan iyo C/laahi Maxamed Axmed (Gacma-dheere). Tifaftire: Maxamed Maxamuud Yuusuf(Ilkacase).

  • Wargayska Somaliland today oo soo baxay sannadkii 2012-kii. Aasaasayaashii:Muniir Axmed Cigaal. Tifaftire: C/qaadir Adan Cali
  • Wargayska Himilooo soo baxay sannadkii 2013-kii. Aasaasayaashii:Madar Cabdi Axmed. Tifaftire: Khadar Iid Kaariye.
  • Wargeyska Sahanoo soo baxay sannadkii 2014-kii. Aasaasayaashii:Axmed C/raxmaan Xirsi (Heelo). Tifaftire: Siciid Khadar C/laahi

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

Protectorate Office for Media………….Unpublished Paper

Sooyaalka Somaliland 26 June ka hor…… Sayid-Maxamed Yuusuf

Yuusuf Geelle Waaberi…..Goob-Joogle..1955 ilaa imika

Baadhis iyo xog-ururin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories