HomeSOOMALHAAD: Gabay Ku Saabsan Tahriibka

SOOMALHAAD: Gabay Ku Saabsan Tahriibka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 
Curiye:Abdijibaar Aadan Gaas

1:Soddon Sano Waxaa Nagu Dhacay Seefta iyo Qawda
2:Sareceenna Aasmaye Mar hore Laga Saluugaayay
3:Seermawaydo Roobkii Madda’o Waana Sugaynaaye
4:Suryo iyo Waxaa lagujiraa Siriq Nafgooya ahee

 

5:Dadkii Wuu Sumooboo Waxbaa Waayo salaglayne
6:Salaasiin Bukaanoo mar hore dhiigu Suruqoobay
7:Salaasiin iyana uu Qabiil Seedda kala Gooyay
8:Salaasiin ka Taajiray mar hore sun iyo Waabaayo
9:Soosaarayaashuna Rasaas Nagu sirqaysiiye
10:Soomaali Sidii Weere Galay Tobanba Saad Aadyee

 

11:Socotadana Qaarbaa kutagay Taniyo Siinaaye
12:Soonkaba Badhbaa dhaafay oo Toora salagleeyay
13:Soddonaan kunbaa Saahidoo Oonta kaba Soomay
14:Sagaal Saniyo dheeraad badhbaa jeelka lagu Soogay
15:Soddon Saniyo dheeraad badhbaan waalidkood sabane
16:Saxarah Badhbaa jiifsadoo bahal Sarriigtaaye

 

17:Saaxillada badhbaa lagahelaa maydka Saxariiray
18:Soddon Wiil markii Aytagtaba Waa Lasugayaaye
19:Soddohaa Tahriiboo haddana lagasugaa maale
20:Sooyaalki Waa lagatagiyo Suubbanow Dhaqane
21:Diintiina laga socoyayo Sawraceed malehe

 

22:Suulkooda Qaarbaa Cunoo Ciilla saxariiray
23:Sanca iyo Badhbaa lagu Hayaa Saaxillada Xeeba
24:Sanggahoodi Qaarbuu lumoo Caydh lasaanyadaye
25:Abeer Soocan Geeloo Sinsiman Sawdho iyo Qaalin
26:Qaarbaa kasaahiday Inuu Seenyo Nalamaalo
27:Qaarbaa Sabeenaha Watoo Jaadna lagu Siine
28:Sirkhaannimo Badhbaa Doortay oo Maanka laga Saaray
29:Qaarbaan Samaan iyo Samaan Sawjadood Arage
30:Soddohohoodna Qaarbaan Aqoon Way Sahwiyayaane

 

31:Qaarbaa Socdaaloo Waqood Socod ku dheeraaday
32:Sayladaha Adduunyada Badhbaa Lagu Sargooyaaye
33:Sinahooda Iyo Laabta Iyo Sawraciyo Jiidhka
34:Badhbaa Loo Saffaaystaa Middiyo Lagu Surgooye
35:Sawsawle Qaarbaa mariyo Gagi Saboolwayne
36:Qaarbaa Suraafoobay Oo Saaqidnimo Doortay
37:Badhbaa Seeddiyadood caaya oo samaba loodiiday

 

38:Suuqyada Badhbaa maraya oo Salaqla Weedhaamay
39:Qaarbaa Siraad Iyo katagay Sawjadduu Qabayba
40:Sabigoodi Qaarbuu Lumiyo Siidhki Uu dhalayba
41:Qaar baa Sadkoodii Ragkale Lagu Sadqeeyaaye

 

42:Gobanimadi Way Suushay Oo Siidhxuun baajira’e
43:Saancaddaale Qaarbuu Latagay Sabarradiisiiye
44:Sinjidhaanimaa Soobaxdiyo Silic Qadhmuun Wayne
45:Qaarbaa Samaanyaha Gurtoo Lagu Sadqeeyaaye
46:Cudur uu Ilaah Saarikaro oo laga Saliilyoodo
47:Safmareen Dilaayaajira oon Daawo kuu Simine
48:Intaasoo Safaadaajiree See u Hurudnaaba
49:Saawiri Ninkii yeeshabay Seef u Noqotaaye
50:Saluuggiyo Haddii layska Naco Dhuuni Salaglaynta
51:Dhulkeenaa Saffaysane Nimcadu Kala Sullaacayso

 

52:Xeebaha Sinsiman Iyo Badaha lagu Sargooyeeyay
53:Sahay Haddaad Kaddoontana Sannado kaaba Madhanaynin
54:Sidaa Wabi Shabeelle iyo Jubbaa Nalagu Sooryeeyay
55:Annagoon Sabool iyo Ahayn Caydh Sad Lagawaayay
56:Soor iyo Anoon Waayahayn Subag ku Iidaaman
57:Sixin Iyo Anoon Waayahayn Seenyo Laga maalo
58:Sac La Maalo Saameel Dhulgoba Sawjad Iyo Luuli
59:Suusaca Darmaan Laga lisiyo Solayga Iiyaalla
60:Timirtiyo Sarreen ka Isbarkane Gadawga Iisaaran
61:Sinsinta iyo Canbaha Soohmay Iyo Beero Lagasiibo
62:Safrad Iyo Anoon Qabin Hungiyo Gaajo Lala Saaqmo
63:Suqul Iyo Anooy Iga Fogtahay Soor Xun Iyo Caato
64:Nin Sanaatti Doollara Watoo Xoolo Lagasiibay
65:Nimaan Geela Sawrici lahaan Seenyo Iyo Qaalin
66:Nin Samaan ka Caydhoo Mar hore Dhuuni Lagu Saaqay
67:Sabadiisa Nimay Gaajo Taal Suufna lagu Quudo
68:Sideen Ugu Hoydaa Maanyo Gaab Sulufay oo Caydha

 

69:Sange Xamariya Oo Taagan Oo koore Lagu Soohay
70:Sibraarkiina Uu Sudhanyahay Oo Sixintu Ceegaagto
71:Geeluna Nirgaha Saydhayo oo Dhayda Laga Siibo
72:Dixidiyo Saffaarkuna Sinmay oo Baadku kala Seexday
73:Gudguduhuna Uu Simay Nugaal Sabarradeedoo dhan
74:Aad Seere Mooddoo Nirgaha Baadku Sare Dhaafay
75:Baarqabkiina Uu Sabar Gottoo Dhabida Saydhaayo
76:Siniintiisu Ay Udugtahay oo Lagu Sirqaamaayo
77:Galaw Kiciye Sidisii Isana Uu Doobta kuba Suuxo
78:Saddex jeer Rakaadoo haddana Qaalmo Saminaaya
79:Siixawle Iyo Kubo Miduun Looga Sabo Ooday
80:Toggii Sarinka Waynaa Uu Biyaha Toban Sullaaceeyay
81:Ama Dhagaxa loo saaray uu lamaxda Sibaayo
82:Anigoo Sadkaygii Hayoo maalku Sabojoogo
83:Sideen Ugu Hayaamaa Nin Saad beelay Oo Bahallo Siisiibta
84:Nin Subxaanyadiyo Jiirka iyo Bahal ka Saadyeesha
85:Siilaanyadiyo Mulac Nimay Soor U Noqonayso
86:Sideen Ugu Hayaamaa Anoo Sabo Ugbaad jooga
87:Inkastoon Sariigtoo Afkay Saani ugu Sheego
88:Inkastoon Saxeex iyo kudhigo Suurad kala Gaara
89:Suugaanta Xeel Dheer Waxaan Saani Ugu Sheego
90:Waxaan Soo Sarbeebtoo Haddana Siriyo Caad Sheego
91:Soomaali Sidii Weere Galay Tobanba Saad Aadye

 

92:Sidii Ruux Dhagoola Ah Ayay Iga Sarriigtaane
93:Aniguna Sidaa kuma Hadhee Dhiillo Maysudhantay
94:War Sidaa kaddaayiyo Sidaa Saw Afkuba Maaha
95:Saw Saqaafe Nabadeed Ma Ihi Saban Walboo jooga
96:Waxaan Nahay Sabuul Baxaya Oo Soohdin kaleYaalla
97:Sokkeeyiyo Shesheeyana Marbay Wada Siraattaane

 

98:Hadduu ruux Socdaaloo Inbadan Socoto Dheeraado
99:Sahayduna Kamadhatuu Harraad Saaqmo Gabigiiba
100:Massolaan Biyuhu Maalintuu Ceelka Sarajoogo
101:Anna Semenkan oo kale Murtidu Way Issigaysaaye
102:Saqda Dhexe Habeenkii Waxaan Sare Usooboodo
103:Sadarrada Hal Doorka Ah Waxaan Sare U Qaadaayey
104:Boqol iyo Sagaal iyo Samtaan Kaa kusoo Simaye
105:Sidaaa Iyo Salaamiyo Alloow Samaha Noojeedi

 

 
Amiiiiin Amiin Amiiin

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories