Home“Soomaaliya Waxay Doonaysaa Inay Ciidan Keento Xuduudda Inoo Dhexaysa, Kuwaasoo Khatar Ku...

“Soomaaliya Waxay Doonaysaa Inay Ciidan Keento Xuduudda Inoo Dhexaysa, Kuwaasoo Khatar Ku Ah Nabadda Geeska Afrika” Wasiir Waran-cadde

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo socdaal ugu maqnaa waddamada Imaaraat-ka iyo Itoobiya oo maanta dalka kusoo laabtay ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa iyo natiijada uu kala soo noqday.

Wasiir Waran-cadde oo maanta kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport ayaa warbaahinta u sheegay inuu kulamo la qaatay madax ka tirsan Imaaraatka, Itoobiya iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya.

Wasiirku waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen ciidamo ay Soomaaliya doonayso inay keento xuduudda u dhexaysa Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay qaar khatar ku ah nabadda geeska Afrika.  “Waxaan tagey waddamada Imaaraatka iyo Itoobiya, waxa kale oo aan habeen hore casho ku lahaa ee dalka Itoobiya, runtii waddamadaa aynu saaxiibka nahay ee aanu madaxdooda is-aragnay waxaanu kala hadalnay arrin khatar ku ah geeska Afrika oo ay daba ka riixayaan maamulka Soomaaliya ka dhisan ee Muqdisho oo runtii ah in ciidamo ururis ah oo ay doonayaan inay keenaan xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexaysa, sida aad la socotaan, waxaynu in muddo ah ku wada-hadal dhinaca siyaasadda ah, waxaana wada-hadalkaas fashiliyay maamulka Soomaaliya, ka dib markii ay keeneen dad aan ahayn dadkii aynu fadhinay ama wada-hadalku ka dhexeeyay Somaliland, waxaana maanta muuqata in arrintii siyaasaddeed ay u rogeen mid ciidan.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha guduhu.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Soomaaliya wada-hadalkiis siyaasaddeed ee burburay u bedeshay arrin ciidan, waxaanu yidhi. “Waxay wadaan inay keenaan ciidan ururis ah oo ilaa saddex kun oo askari ah, caalamkana ay waydiisanayaan inay ka caawiyaan, iyagoo u tusaya inuu yahay ciidan Soomaaliyeed, laakiin ujeedadiisu ay tahay sidii loogu khalkhal-gelin lahaa gobolka geeska Afrika nabadiisa, gaar ahaana Somaliland iyo horumarkeeda, waananu kala hadalnay madaxdaanu la kulanay khatartay leedahay iyo in wax laga qabtaba.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories