HomeSOOMAALIYA: Wararkii U Dambeeyay Ee Weerarka Hotel Saxafi iyo Amisom oo...

SOOMAALIYA: Wararkii U Dambeeyay Ee Weerarka Hotel Saxafi iyo Amisom oo Soo Afjaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

.

Muqdisho(SLPost) – Ciidamada Ammaanka Somalia oo kaashanaya kuwa midawga Africa ee Amisom, ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo afjaridda weerarkii hotel Saxafi. galinkii hore ee Axadda ayaa halkaasi ay ka socotay is rasaasayn u dhexaysa dablayda Al-shabaab iyo ciidamada Somalia.Saxafi1

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa isagana hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay ku sheegay in lasoo afjaray howlgalkii Hotel Saxafi, xaaladda hoteelkuna ay deggen tahay.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay ilaa 28 kalena way ku dhaawacantay weerarka oo subaxnimadii hore ee Axadda lagu qaaday  hotelka Saxafi oo ku yaala badhtamaha caasimada Somalia ee Muqdisho.

Gaadhi waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa afaafka hore ee hotelka lagu qarxiyay xilli ku beegan abaaro 6-dii subaxnimo oo wax yar dhiman, waxaana daba socotay qaraxa rasaas ay adeegsadeen dablay weerarka gaysatay, waxaana gudaha hotelka ka socotay rasaasta u dhexaysa ilaalada hotelka iyo kooxda.

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan militariga Somalia Jeneral Gacma Duule iyo safiirka Somalia ee Ethiopia Ambasador Cabdisalaan Xaaji Aadan, sida laga soo xigtay ilaha caafimaadka.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa ka mid ah sawir qaade ka tirsan telefishanka Al-jazeera, waxaana lagu magacaabi jiray mustafe Cabdi Shafana.

Inkasta oo aanay faahfaahin dheeraad ahi ka soo bixin weerarkan haddana Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan laba qarax hotelka lala eegtay, ilaa haddana saraakiishu aanay faahfaahin bixin karrin maadaama hawlgal lagu jiro.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka. Kooxda ayaa Hotelada u beegsata in hotelladu marti galiyaan madaxda dawladda sida xildhibaannada Baarlamaanka, wasiirada iyo saraakiisha kale oo qaarkood hotelka degan yihiin kuwo kalena ay inta badan yimaadaan.

 Hotelka ayaa ku yaala jidka Km4, waxaanu u dhaw yahay madaarka, iyadoo ka soo horjeedkiisana xarunta sirdoonka Somalia ku taalo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories