HomeSoomaaliya: Tirada Dad lagu laayey Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Soomaaliya: Tirada Dad lagu laayey Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay ilaa 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaanna dhinaca maamul goboleedka Galmud.

Wararka ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo marayay isgoyska waddada 30-ka iyo tan Hobyo.

lblankQaraxan ayaa sida la sheegaya waxa uu ka dhacay meel u dhow hoteel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somaaliya oo sida la sheegay ay ku jireen taliyaha ciidanka dhulka iyo taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka balse BBC-du ma xaqiijin karto arrintaasi.

Qof goobjooge ah oo ku sugnaa Hoteel ka agdhow meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay dad uu ku qiyaasay ilaa 11 oo dhulka daadsan oo qaarkooda gubanaya.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in uu arkay goobo ganacsi oo gubanaya.

Waxa uu intaa ku daray in qaraxa ka dib ay ciidamadu rideen rasaas, arrintaa oo meesha ka saareysa warar sheegayay in qaraxa ka dib rag hubeysan ay dagaal la galeen ciidamada ammaanka.

Duqa Gaalkacyo ee dhanka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo BBC-da la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in inta uu ogyahay saddex qof ay dhinteen halka ilaa 40 qof oo dhaawac ah la geeyay cusbitaalka guud ee magaaladasi.

Xirsi ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan dad dhaawac ah oo loo qaaday dhanka Puntland.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin dad rayid ah oo marayay meesha uu qaraxa ka dhacay .

Magaalada Gaalkacyo ayaa ah magaalo u kala qeybsan koonfur iyo woqooyi oo ay kala maamulaan Galmudug iyo Puntland.

Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse waxa uu imaanayaa toddobaad uun ka dib markii koox hubaysan ay weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga magaaladaasi Gaalkacyo.

26-kii bishii Nofembar ee sanadkii hore ayaa qarax ismiidaamin ah iyo weerar toos ah oo xigay waxaa lagu dilay ku dhawaad 20 qof oo uu ku jiray wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay xarunta wadaadkaasi, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-Shabaab oo wadaadkaasi ku eedeeyay in uu aflagaadeeyay Nabi Maxamed NNKH. Horey ayay Al-Shabaab digniin ugu jeedisay wadaadkaasi iyo xirtiisa oo markii dambe qaarkood kula dhintay weerarkaasi.

Xigasho: BBC Somali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories