HomeSoomaaliya oo sheegtay in Cadaadis lagu saaray inay Hoos u dhigto Khilaafka...

Soomaaliya oo sheegtay in Cadaadis lagu saaray inay Hoos u dhigto Khilaafka u dhexeeya Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abubakar oo ka hadlay natiijada shirkii madaxda urur-gobolleedka IGAD maanta ugu soo gebo-gaboobay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya cadaadis lagu saaaray in ay hoos u dhigto khilaafka ka dhaxeeya dalka Kenya.

blankWasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu soo diyaar-garowday inay muddo hal maalin ah ku qaadato si ay isaga difaacdo eedeymaha uga imanaya Dowladda Kenya, balse mar walba madaxda Urur gobolleedka IGAD ku dadaalayeen in khilaafka lagu dhax-xaliyo isla Ururka dhexdiisa.

”Annagu waan aqbalnay in khilaafka hoos loo dhigo, laakiin waxaan ku xidhnay shuruud ah in la magacaabo guddi dib u eegis ku sameeya waxyaabaha Dowladda Soomaaliya ay ka tabaneyso Dowladda Kenya,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxa uu sheegay in qodobka ugu weyn ee dhinaca Dowladda Soomaaliya soo bandhigtay aheyd arrinta ku saabsan jabhad la sheegay in lagu tabobarayo degmada Mandera ee gudaha Kenya, taas oo sida uu sheegay ay IGAD go’aan ku gaadhay in loo saaro guddi xaqiiqo-raadin ah.

Balse waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Dibadda Soomaaliya ka gaabsaday qodobbo uu ka cudur-daartay inuu xuso oo ku jiray ajandayaasha Soomaaliya la hortagtay shirka IGAD.

”Qodobka ugu horreeya ee aan rabno in laga wada-hadlo ayaa ah arrintan xudduudda ka taaggan iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo dowladda Kenya, qoddobkaas ayaa muhiim inoo ahaa, waanay jiraan qoddobo kale oo muhiim ah oo aan rabin in aan idinla wadaago,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa labadooduba dacwado ay isku ashkataynayaan u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD iyadoo midba kan kale uu ku eedeeyay inay sabab u tahay khilaaf siyaasadeed oo sababay ilaa heer safaaradaha lagu kala qaato.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories