HomeSoomaaliya oo Kaalinta 1aad ka gashay Dalalka ugu Musuqa badan Adduunka iyo...

Soomaaliya oo Kaalinta 1aad ka gashay Dalalka ugu Musuqa badan Adduunka iyo Maraykanka oo Su’aal la galiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berlin (SLpost)- Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay waddamada ugu musuq-maasuqa badan adduunka, halka dalka Denmark uu noqday waddanka ugu musuqa yar adduunka.

 

Sida lagu shaaciyey warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International, qiimeynta dalalka ayaa lagu jaan-gooyey dhibco u dhexeeya 0 ilaa 100, waxaanay labadan waddan xagga ugu hooseysa iyo xagga ugu sarreysa kaga jiraan liiskan oo sannadkiiba hal ay soo saarto hay’adda TI oo qiimeyn ku samaysa nidaamka maamul-wanaagga dowladaha caalamka.

 

Dalka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ilaa 2011-kii waxa uu hoos uga dhacay liiska 20-ka waddan ee ugu nadiifsan adduunka xagga musuq-maasuqa intuu talada dalkaas hayay Madaxweyne Donald Trump oo lagu dhaliilay siyaasaddiisa aan dheelliga tirnayn ee uu ku hoggaamiyo dalkiisa. Waxaanay hay’addu dalka Maraykanka ku dartay liiska waddo lagu calaamadiyey khadka Cas, kuwaas oo la sheegay in si gaar ah insha loogu haynayo nidaamka maamul-wanaagga hay’adaha dowliga ah, waxaana liiska ku weheliya dalka Hungry iyo Brazil.

 

“Hoos u dhaca Afarta dhibcood waxay ka tarjumaysaa inuu ku jiro khadka cas, taasna waxa sababay halista ka muuqata in Maraykanku lumiyey hannaankii dheelli-tirnaanta dowladnimo iyo sidoo kale qaraxa ka taagan hab-dhaqankii suubbanaa ee awoodda ugu sarreysa dalka,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta hay’adda oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Maraykanka. 

 

Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in dalalka horumarka ka sameeyey xakamaynta musuqa inay ka mid yihiin Estonia, Ivory Coast, Senegal and Guyana; halka kuwa hoos u dhaco ku yimi yihiin dalalka Australia, Chile, Malta and Mexico. 

 

Dalka Soomaaliya ayaa qiimeynta ka galay kaalinta 1aad iyadoo lagu qiimeyey darajada 10, waxaana ku soo xiga dalalka Syria, Koonfurta Suudaan, Yemen, Woqooyiga Kuuriya, Suudaan, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Afghanistan iyo Libya.

 

Dalalkan lagu qiimeeyey inay yihiin kuwa ugu musuq-maasuqa badan, waxa intooda badan ka socda dagaalo regaadiyey hannaankii dowladnimo iyo kala-dambaynta, taas oo meesha ka saartay in laga arko ku-dhaqanka dimuqraadiyadda.

 

“Natiijada warbixintayadu waxay ka shidaal qaadanaysaa in waddan kasta laga helo nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqaynaya iyo xakamaynta musuqa ka jira hay’adaha dowladda,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta shabakadda Somalilandpost.net qaybo ka mid ah soo xigatay.

 

 

“Ilaa 2012, kaliya waxa horumar sameeyey 20 waddan oo darajo fiican ka keenay qiimeynta, waxaana ka mid ah Argentina, Ivory Coast. Waxaana sidoo kale, hoos dhac ku yimi 16 waddan oo ay ku jiraan Australia iyo Chile oo darajooyinkooda hoose uga soo dhacay,” ayaa lagu yidhi warbixintan oo si qoto-dheer loogu qaadaa dhigay qiimeyntan oo ka shidaal qaadanaysa 13 meelood oo waddan kasta laga qiimeeyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin noocyada xidhiidhada ka dhexeeya hay’adaha Caalamka ee Deymaha bixiya iyo siyaasadda waddan kasta kula shaqeeyo hay’adaha ka shaqeeya dhinaca Caddaaladda iyo Dimuraadiyadda.

 

Somalilandpost@live.com

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories