HomeSoomaaliya oo ka jawaabtay Go'aankii dowladda Kenya xidhiidhka dibloomasiyadeed u goysay iyo...

Soomaaliya oo ka jawaabtay Go’aankii dowladda Kenya xidhiidhka dibloomasiyadeed u goysay iyo eedayn ay u jeedisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa jawaab ka bixisay tallaabada xidhiidhka dibloomasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya oo dalkeeda ka saartay Safiirkii Soomaalida u joogay magaalada Nairobi.

 

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga jawaabay go’aankA ay dowladda Kenya ku caydhisay safiirka Somalia, kaddib markii ay ku eedaysay xukuumadda Muqdisho iib geysay qeyb ka mid Badda Kenya si shidaal looga baadho.

somaliya

Dowladda Somaliya waxay ku adkeyastay inay iyadu leedahay dhulka ka muuqda maabka lagu soo badhigay shirkii London, oo aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadiisu taallo maxakmadda ICJ, go’aanka dowladda Somaliyana uu ka tarjumayo waajibaadka ka saaran inay ilaaliso midnimada dhulkeeda iyo qaranimadeeda.

 

Waxaa Qoraalka lagu sheegay in Dowladda Somalia ay aad uga xun tahay in Kenya ay sheegto xaraash lagu bixinayo bad ay leedahay, Soomaaliyana aysan xilligan kuna talo jirin in xuduud badeedka lagu muransan yahay laga iibiyo shirkado baadhaya inta dacwadda badda ee taalla maxkamada adduunka kasoo dhammaaneyso.

 

Warka ka soo baxay Wasaarradda ee lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa u dhignaa siddan:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda ku salaysneen ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.

3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay.

4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.

5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.

6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.

7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.”

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa qoraalka ku sheegay in Kenya iyo Somalia ay wadaagaan xidhiidh dhinacyo kala duwan, dhaqan iyo iskaashi qoto dheer, sidaas awgeedna ay Soomaaliya ka go’an tahay inay ilaaliso xidhiidhkaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories