HomeSoomaaliya Oo Ka Faa'idaysanaysa Khilaafka Siyaasadeed ee Xilligan Ka jira Somaliland

Soomaaliya Oo Ka Faa’idaysanaysa Khilaafka Siyaasadeed ee Xilligan Ka jira Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost) – Dawladda Soomaaliya, ayaa Shirkad dhinaca Sharciga ah oo fadhigeedu yahay Magaalada Washington ee dalka Maraykanka u kiraysatay inay carqaladayso Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

Dawladda Soomaaliya oo ay Wakiil ka tahay Safaaradda ay ku leeyihiin Maraykanka, ayaa hawl-gelisay Shirkadda dhinaca Sharciga ee loo yaqaano Von Batten-Montague-York.

Shirkaddan oo ay hore Lacago ugu siiyeen kooxda Loo yaqaano ‘Somali Alliance’ oo fadhigoodu yahay Maraykanka, inay ka hor tagto heshiisyadii ay bishii March ee sannadkan wada galeen Somaliland iyo Maraykanka, ayaa hadda bilowday faafinta Warar borobagaando ah, kuwaasi oo wax lagaga sheegayo Madaxda Dawladda Somaliland, waxayna si cad u sheegeen falal ay la damacsan yihiin inay kula kacaan Qaarkood.

Shirkaddan dhinaca Sharciga ah ee u kiraysan Dawladda Soomaaliya, ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay qoraal ay ku sheegayso inay kala shaqaynayso Aqalka Koongarayska Maraykanka sidii Cuno-qabatayn loogu soo rogi lahaa Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa Xadhig iyo Jidh-dil ay xuseen in loo geystay Suxufiyiin iyo dad Rayid ah oo 11-kii bishii hore ee September ka qayb-qaatay Dibed-baxyo dimuqraadiyadeed oo ka dhacay Somaliland, arrintaasi oo sida muuqata ay uga faa’idaysanayaan qorsheyaashooda ah inay dhaawacaan Sumcadda Somaliland dunida ku leedahay, sida Nabadgalyada, Xorriyatul-qawlka iyo xidhiidhka Boolisku la leeyahay Shacabka uu amnigooda masuulka ka yahay.

blank
Karl-Von-Batten, Guddoomiyaha Shirkadda

Batten-Montague-york oo Qareeno ka mid ahi mar walba daba-gal ku sameeyaan dhacdooyinka ka dhaca Somaliland, iyagoo adeegsanaya hadallada ay Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ay Warbaahinta mariyaan, gaar ahaan markay eedaymaha u jeedinayaan Saraakiisha Booliska, ayaa qoraalka ay Maanta ku baahiyeen boggooda Twitter-ka waxay eedaymahan ay caddayn ahaan u soo raaciyeen muuqaal uu ka hadlayo Maxamed Sidiiq Dhamme oo ka mid ah Madaxda Xisbiga WADDANI, taasi oo loo fahmi karo inay ka faa’idaysanayaan khilaafaadka dhinaca doorashada ee xilligan ka taagan Somaliland.

Ugu dambayn, Shirkaddan Von Batten-Montague-york oo Ninka Madaxda ka ahi uu Magaalada Washington kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, bishii hore markii uu socdaalka ku tagay Maraykanka, ayaa taariikh ahaan marka dib loo raaco ah shirkad aan wax sumcad ah ku lahayn gudaha Maraykanka, waxa la sheegay in Cid kasta oo cid kale shirqoolaysaa ay Kiraysato, sidaa darteed waxa muhiim ah in Dawladda Somaliland qaaddo Tallaabooyin ay kaga hor tagayso fadeexadaha aan sharciga ahayn ee shirkaddaasi muddada dheer ka fidinayso Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories