HomeSoomaaliya oo Ethiopia ka raalli-gelisay taageerada ay u muujisay Masar, Mowqif Dhex-dhexaad...

Soomaaliya oo Ethiopia ka raalli-gelisay taageerada ay u muujisay Masar, Mowqif Dhex-dhexaad ahna ka qaadatay Khilaafka labada Waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa shaacisay inay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka la xidhiidha biyaha webiga Niilka ee u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar.

blank
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad

Kulan dhawaan u qabsoomay dalalka ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta, ayaa qaraar ka soo baxay shirkaas, waxa taageero loogu muujiyey xaqa ay dowladda Masar u leedahay ka faa’idaysiga Biyaha Webiga Nile oo inta badan dhaqaalaha dalkeedu ku tiirsan yahay, iyadoo dowladda Soomaaliya oo kulankaas ka qayb-gashay ay qaadatay mowqifka Jaamacadda Carabta. Waxaana tallaabadaas ka cadhootay dowladda Ethiopia.

Haddaba, Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankeedaas hore iyadoo sheegtay inaanay dalalka Jaamacadda Carabta ku raacsanayn go’aankaas, dowlad ahaanna ay xilligan go’aan dhex-dhexaad ka qaadanayaan mowqifkaas, sida uu sheegay wasiirka Cawad oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya todobaadkii socdaal kedis ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo kulan kula qaatay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu dowladda Ethiopia ka raalli-geliyey taageerada dalkiisu u muujiyey dalka Masar isla markaana ay mowqifkaas ka laabanayaan dowlad ahaan, sida ay shaacisay dowladda Ethiopia oo sheegtay inay aqbashay raalli-gelintaas.

Waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya sheegay in Raysalwasaare Kheyre u sheegay dhiggiisa Ethiopia in dalkiisu dhex-dhexaadnimo ka qaatay xiisadda ka dhex aloosan labada waddan ee Masar iyo Itooya, isla markaana uu u soo jeediyey inay Soomaaliya ahaan dalbanayaan inay miiska wada-hadallada isu keenaan labada waddan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga dhawaajisay taageero ay u muujisay dowladda Masar, kaddib markii uu fashilmay kulan dhex-dhexaadin ah oo Maraykanku isugu keenay dowladaha wadaaga Biyaha Webiga Niilka, iyadoo dowladda Itoobiya ka-qayb-galka kulankaas ka cudur-daaratay, taas oo sababtay in dowladda Masar shaaciso go’aan ay ku sheegtay inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku heli karto inaanay waayi Biyaha Webiga Niil oo ay ka cabsi qabto inay yaraadaan kaddib marka ay dowladda Ethiopia Dhammeystirto Biyo-xidheenka ay samaynayso dalkeeda.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories