HomeSoomaaliya oo dib ugu Celinaysa Lacagtii ay ka Qabatay dalka Imaaraadka iyo...

Soomaaliya oo dib ugu Celinaysa Lacagtii ay ka Qabatay dalka Imaaraadka iyo hordhaca Noocyada Heshiis ee la gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dib ugu celin doonto Imaaraadka lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in lacagta la qabtay oo dhameyd  $9 Milyan iyo 600 oo Kun oo dollar dib loogu celin doono gacanta dowladda Imaaraadka kaddib markii ay sida uu hadalka u dhigay ay hay’addaha ku shaqada leh ka dhameystaan baadhitaanka ku socda.

wasiirka khaarajiga soomaaliya cawad“Haa. lacagtaasi dib ayaa loogu celinayaa Imaaraadka marka hay’adaha ku shaqada leh ka dhameystaan baadhitaanka ku socda,’’ ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC.

Sababta dowladdu ula wareegtay markii hore lacagta ayuu ku sheegay in shaki badan laga qaaday wakhtiga lagu soo beegay oo dalka ay ka jireen xiisado siyaasadeed, ayuu yidhi wasiirku, “Lacaguhu way iman jireen sida aan ka war qabno, laakiin tani waxay lacagihii hore uga duwaneyd wakhtiga lagu soo beegay oo xiisad siyaasadeed ay dalka ka jirtay iyo in aan lagu soo wargalin dowladda,’’ Sidaas ayuu sheegay wasiirku.

Dhinaca kale. mar uu soo hadal-qaaday warkii dhawaan ka soo yeedhay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka Anwar Gargash ee ahaa in heshiiska dekedda Berbera ay wax ka ogaayeen dowladihii hore ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya aanay ka war qabin heshiis arintaa ku saabsan oo dhexmaray Imaaraadka iyo dowladdihii hore.

‘’Waan dhageystay Wareysiga Wasiirka waxaa uu sheegay Is faham in uu jiray, laakiin muu sheegin wax heshiis ah oo qoran oo labada dhinac dhaxmaray, Annagana ka dowlad ahaan maanaan arag heshiis qoran oo dhexmaray Imaaraadka iyo dowladdihii naga horeeyay, haddii aan aragno runtii weynu ixtiraami laheyn,” ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ay Imaaraadku sheegeen in loogu talagalay mushaharka iyo saadka ciidamo ay ku tababarayeen gudaha dalka Soomaaliya, waxaa cirka isku sii shareeray xiisaddii markii horeba ka dhex jirtay labada dowladdood oo ka soo bilaabatay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka waddamada Khaliijka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories