HomeSoomaaliya oo Dib u dhisanaysa Safaaraddeeda Kenya oo Muddo Gacanteeda ka Maqnayd

Soomaaliya oo Dib u dhisanaysa Safaaraddeeda Kenya oo Muddo Gacanteeda ka Maqnayd

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi(SLpost) — Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa maanta dhagax-dhigay Safaarada Somalia ay ku lahayd Kenya oo mudo badan ka maqneyd gacanta dadka Soomaaliyeed.

Dhismaha Safaaradda oo uu ka muuqdo bur-bur xooggan oo soo gaadhay mudadii aan la degeneyn, isla markaasna uu haystay nin si sharci-darro ah ku iibsaday oo ah Hindi haysta dhalashada dalka Kenya, ayaa la cadeeyay in dhismaheedu uu dhawaan bilaaban doono.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa maanta dhagax-dhigay Safaaradii hore ee Somalia oo la sheegay in lagu sameyn doono Dayactir xoogan si loogu shaqeeyo, madaama guriga ama Safaarada hada loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed ee kenya ku dhaqan uu yahay mid kiro ah.

Guddoomiyaha gudiga dib u dayactirka Safaarada Muxiyadiin Cali Maxamed oo ka hadlay Xafladdii dhagax-dhiga ahayd, ayaa sheegay in wixii berri ka dambeeya la gudagali doono dacaytirka. Wuxuuna ugu baaqay Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dhismaha Safaaradda oo ay dhaqaalo ku bixiyaan.

Sidoo kale xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed oo ka qayb-galay dhagax-dhigaas, ayaa sheegay inay dhaqaale iska arruurin doonaan si dib loogu dhismo Safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo dhawaanahaan ku howlanaa hirgalinta dib u dhiska safaaradda, ayaa sheegay iney ku dadaali doonaan dhismaha Safaarada, wuxuuna intaas ku daray in haddii ay jiraan cidii rabto iney ka qabey-qaadato dhismahaas ay la soo xidhiidhi karaan.

Dhanka kale Sannadkii 2010-kii ayey aheyd markii Maxkamadda sare ee dalka Kenya ay u go’aamisay dadka Soomaaliyeed, iney si sharci ah u leeyihiin Dhulka ay ka kooban tahay Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya oo sannooyin badan ka maqneyd gacantooda.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories