HomeSoomaaliya oo Codsatay in Dib loo Bilaabo Wadahadalkii ay Jamhuuriyadda Somaliland la...

Soomaaliya oo Codsatay in Dib loo Bilaabo Wadahadalkii ay Jamhuuriyadda Somaliland la Lahayd

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Ra’iisul Wasaare-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ku sugan dalka Switzerland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyay dawladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Mr Carte ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isu tanaasulo, lana kala roonaado, isagoo tilmaamay in qofkii qaldan la saxo.

“Haddaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la isugu tanaasuli lahaa, hadii qofkan qaldan yahay inaad si wanaagsan u sixi kartid baa la rabaa, xaqa iyo waajibaadkana waxaa horeeya waajibaadka”ayuu yidhi ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in siyaasada ay noqoto mid isu tanaasul iyo dhex dhexaad, isla markaana aannay noqon mid xaqjirnimo ku jirto, si xal iyo dib u heshiisiin loogu soo dabaalo.

“Haddii wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland aannu bilaabmin waxay noqoneysaa inay xaalka halkii uun uu taagnaado, dhibteeda leedahay, xalka waxaa uu ku jiraa in wada hadalku bilowdo, markaas ayay dib u heshiisiin imaan kartaa”ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte

Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wali hakad ku jira, iyadoo wada hadalada ay fashilmeen badhtamihii sanadkan markii guddiyo ka kala socday labada dhinac oo isugu tagay Istanbul uu shirkooda qabsoomi waayay, markii Jamhuuriyadda Somaliland ay gaaashaanka u daruurtay inay la fadhiisato xubno ka mid ah guddigii Soomaaliya soo xushay oo ka soo jeeday deegaanada Somaliland.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories