HomeSOOMAALIYA: Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka Guddoomay Hindiya

SOOMAALIYA: Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka Guddoomay Hindiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrunta madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.

Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey danjiraha cusub in dawladda Soomaaliya ay iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn u fidin doonto inta ay ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda, isagoo sidoo kale uga mahad celiyey dawladda India sida ay ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal.

Waxa uu sidoo kale madaxweynuhu soo dhaweeyay dhambaal ay danjire Durai ka sidday Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi oo ahaa in dawladdiisa ay Soomaaliya u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan, sida iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada.

“Aad baan ula dhacsanahay xidhiidhka wanaagsan ee nagala dhexeeya India. Dhawaan markaan tegey New Delhi, waxaa uu ra’iisul wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badan leh, kaas oo aan aaminsannahay inuu muhiim u yahay Soomaaliya oo u baahan dib u dhis iyo maalgashi. Waxaan haatan sameysmaya sharciyadii maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, waxaana gacmo furan ku soo dhoweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada India inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Suchitra Durai, ayaa iyana dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horeeya ee ay Soomaaliya ka caawin karaan ay ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada, iyo in labada dhinac ay isla daraaseeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Waxay intaa ku dartey in labada dal ay haystaan fursaddo ay ku abuuri karaan iskaashi midha-dhal ah oo shacabka labada dal ay ka manaafacaadi karaan.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories