HomeSOOMAALIYA: Madaxweynaha oo Ka Hadlay Weerarka lagu Riiqday ee Al-shabaab Ka Fulisay...

SOOMAALIYA: Madaxweynaha oo Ka Hadlay Weerarka lagu Riiqday ee Al-shabaab Ka Fulisay Hotel Saxafi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho(SLpost) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka kooxda Al-shabaab ku qaaday hotelka Saxafi ee badhtamaha Muqdisho. Waxa uu sidoo kale tacsi u diray ehelada dadkoodu ku dhinteen weerarka, isagoo inta dhaawaca ahna caafimaad u rajeeyay. Weerarka waxaa ku naf waayay ugu yaraan 15 qof, halka ugu yaraan 28 kale ku dhaawacantay.

 

“Subaxnimadii maanta Hotel Saxafi waxaa weerar ku qaadey Al-shabaab. Sida muuqata kooxda waxaa si weyn u saaran culeys, iyagoo laga saarayo goobihii ay dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaadheen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Al-shabaab waa naf la caarid doonaya inay magaalooyinkeenna dhibaatooyin ka abuuraan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Waxaan idiin xaqiijinayaa in falalkan aanay ahayn mid ka dhigan in Al-shabaab ay dib madaxa ula soo kaceyso; balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaaladda quusta ah oo soo wajahday kooxda Al-shabaab, taasoo maalinba tan kasii dambeysa u sii kordheysa. Waxaa xaqiiqo ah in kala qaybsanaani ay dhexdooda ka jirto. Ma aha kuwo war u haya waxay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan, iyagoo maciin biday inay dilaan muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay kusoo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka.”

 

Xasan Sheekh ayaa sheegaya in baadhis lagu samayn doono sidii weerarku u dhacay  “Ciidamadeena amniga ayaa xaaladda si buuxda gacanta ugu haya. Waxaa xigi doona oo la sameyn doono baadhitaan qota-dheer oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo sida loo sii horumarin karo sida ciidanka amniga ay uga jawaab celiyaan falalkan oo kale ah.”

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumiinta geeriyooday u duceeyay. “Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannada fardowsa ka waraabiyo inta dhimatay ee Al-shabaab ay laayeen. Sida ugu wanaagsan ee dadkaan naga baxay aan ku xusi karnaa waxaa weeyaan inaan dib u cusbooneysiino, isla markaana aan kordhino dadaalka aan ugu jirno inaan ka hortagno xagjirka inaanay si khaldan ugu baahin diinta Islaamka, iyagoo ujeeddadoodu uu yahay inay dadka marin habaabiyaan, burbur iyo xasuuqna u geystaan shacabka. Qaabka aan arrintaan u wajahayno ayaa ah inaan si buuxda uga hortagno fikradaha khaldan ee la bedelay, isla markaana aan dib uga xoreyno meelaha ay ku hadhsan yihiin ee dalka Somalia.”

 

Waxa uu sidoo kale Xasan Sheekh Yidhi  “Muhimada koowaad ee dowladdeyda waa sare u qaadista kartida iyo awoodda adeegga amniga ee Soomaaliya, si aan meesha uga saarno kooxaha xagjirka, oo aanu u ilaalino danaheenna Qaran, xasiloonina aan u horseedno Somalia, inagoo dhowreyna qaranimadeenna.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories