Home"Soomaaliya maaha waddan jira oo madax-bannaan" - Aqoonyahanka Muqdisho oo 30 Sanno...

“Soomaaliya maaha waddan jira oo madax-bannaan” – Aqoonyahanka Muqdisho oo 30 Sanno kaddib dowladnimo Baafinaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

London (SLpost)- Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah Bare wax ka dhiga Jaamacadda magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanay jirin dowladnimo iyo madax-bannaani xilligan ka jirta Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre oo muddo 30 sanno ah ka soo wareegtay.

Prof Xasan oo ah falan-qeeye inta badan ka faallooda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan kala-guurka ee la filayo inay doorashooyinku ka qabsoomaan dalkaas, waxa uu ku dooday inaanay Soomaaliya ahayn waddan madax-bannaan oo dhismihiisa iyo jihadiisa siyaasadeed ku xidhan tahay hoggaamiinta siyaasiyiinta majaraha u haya. Waxa uu Prof Xasan sheegay in talada Soomaaliya gacanta ugu jirta waddamo iyo hay’ado shisheeye oo iyagu iska leh go’aan ka gaadhista arrimihiisa iyo aayo-ka-talintiisa.

blankDr Xasan Sheekh oo ka mid ah Aqoonyahanka iyo Bulshada Rayidka ah ee saamaynta ku leh diyaar-garowga doorashada baarlamaanka ee loo muddeeyey inay Soomaaliya ka dhacdo badhtamaha sannadkan, waxa uu ku dooday inaanay jirin wax isbeddel ah oo dhinac hoggaaminta siyaasadda ah oo ka tisqaaday Soomaaliya tan iyo 1991-kii, illaa xilligaasna ay waddamo shisheeye gacanta ku hayaan majaraha siyaasadeed iyo aayo-ka-talinta hoggaamineed ee Soomaaliya.

Macalinka oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho arrintan kaga hadlay waraysi uu khadka isgaadhsiinta internetka ee maqalka iyo Muuqaalka uu kula yeeshay Weriye Cabdilaahi Maxamed Cali oo ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa mar wax laga weydiiyey saamaynta iyo doorka ay Beesha Caalamku xilligan ka ciyaari karto xaaladda Soomaaliya iyo inuu maamulka dalkaasi iyo ilaalinta Danihiisa gaarka ahi magan u yihiin Golaha Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in marka dowladnimada iyo shuruudaheeda laga hadlayo aanay dowladi ka jirin Soomaaliya, balse waxa uu qiray inay dalkaasi ka jirto dedaal dowladnimo oo abuuritaankeeda lagu hawlan yahay.

Muuqaalka Hoose ka daawo Waraysiga uu Prof Xasan Sheeekh Cali arrimahan kaga hadlay

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories