HomeSoomaaliya: Dhul-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya oo Khasaare u geystay Dekedda magaalada...

Soomaaliya: Dhul-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya oo Khasaare u geystay Dekedda magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Dekedda Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaliya, ayaa waxaa ku dhuftay gellinkii dambe maanta ah Mowjado ka dhashay bad-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Dekedda ee caasimadda Soomaaliiya.

sawirroLa-taliyaha Maamulka Dekedda Muqdisho, Axmed Cabdi Wataac oo VOA-da la hadlayay ayaa sheegay in Mowjadahan maanta ku dhufatay dekedda Muqdisho ay sababeen khasaare burbur ah oo soo gaadhay dekedda iyo maraakiibtii ku xidhnaa qaarkood, laakiin aanay geysan wax khasaare nafeed ah.

“Mowjado biyo ah ayaa kasoo dul-booday Marsadii Dekedda Muqdisho ee ay Maraakiibtu ku xidhnaayeen, Saddex Markab oo Dekedda ku xidhnaa ayaa xadbigihii goostay, barxadihii la dhigi jiray Badeecooyinka Dekedda laga soo dajiyana Bur-bur ayaa soo gaadhay,” ayuu yidhi Axmed Wataac.

Sidoo kale, Wataac ayaa xusay in saaka markii ay shaqooyinka Dekedda billaabanayeen ay dareemeen in is-beddel uu ka jiro Badweynta Hindiya, Mowjadana ay ku dhufatay dekedda 3:00 galabnimo, kuwaasoo socday illaa 5:30 galabnimo ee Maanta.

“Barxadihii la dhigi jiray badeecooyinka Maraakiibta laga dajiyo dhamaantood burbur ayaa gaadhay, inkastoo khasaare nafeed aanay jirin, Waxaanan maqalnay in bad-gariir culus uu ka dhacay Jasiiradda Madagaskar iyo nawaaxigeeda,” ayuu intaas ku daray Axmed Wataac.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha soo gaadhay Dekedda Muqdisho, ayuu xusay inay burbureen laamiyadii iyo barxadaha badeecooyinka la dhigi jiray ee dekedda, ayna dhex-yaalaan biyo fara badan, isagoo xusay in haddii aan la dayactirin aanay suuro-galayn in Dekedda lagu sii shaqeeyo.

Su’aal u dhignayd; Khasaaraha Maraakiibtii ku xidhnaa dekedda soo gaadhay, ayuu kaga jawaabay “Saddex Markab ayaa dekedda ku xirnaa xilligaan, kuwasoo laba ka mid ah laga dajinayay Sokor, waxaana isku dhacay laba markab oo ka mid ah Maraakiibta, midkoodna uu Duleel gaadhay, ugu dambeynna bannaanka ayaan u dhignay Barroosinka, halkaas ayayna ku Xidhan yihiin.”

Ugu dambeyn, Axmed Wataac ayaa sheegay in hawlaha Dekedda ay mowjaduhu hakiyeen, isla markaana khasaare weyn uu soo gaaray dekedda, laakiin shaqaalihii ku sungaa xiligaas dekedda uusan soo gaarin wax khasaare nafeed ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories