HomeSoomaaliya: Dagaal u Dhexeeya Laba Maamul-goboleed oo Markale ka Bilaabmay Gaalkacayo

Soomaaliya: Dagaal u Dhexeeya Laba Maamul-goboleed oo Markale ka Bilaabmay Gaalkacayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gaalkacayo(SLpost)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya maamul-goboleedada Puntland iyo Galmudug oo saaka marka kale dib uga qarxay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka billowday barta kala qaybisa labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, waxaana dadku ay sheegayaan in dagaalkan uu yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay gudaha u galeen suuqa kala qaybiya labada maamul si ay fadhiisimo uga sameystaan.

Gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn looga maqlayaa rasaasta,  sida ay ku soo warramayaan dadka ku sugan magaaladaas, inkastoo inta badan xaafadaha magaaladaas laga barakacay, iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo dhawacaan.

“Wuxuu dagaalku ka socdaa suuqa Darxumo, mana ahan mid xooggan; laakiinse waxaa laga yabaa inuu sii xoogeysto, waxaana ku dhintay illaa hadda saddex qof sida aan maqa-shiisanahay, waxaana ku dhaawacmay shan qof dad ka badan,” ayay yidhaahdeen goob-joogayaal kala duwan oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, waxay goobjoogayaashu sheegeen in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan gudaha magaalada Gaalkacyo, baqdin weynna laga qabo inay dagaalo culus dhacaan.

Dhanka kale, dagaalkan dib u qarxay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu shalay gaadhay raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo Garoowe oo ah xarunta maamul-goboleedka Puntland, si dagaalka loo qaboojiyo.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories