HomeSOOMAALIYA: Colaaddii Gaalkacayo oo Heshiis laga Gaadhay

SOOMAALIYA: Colaaddii Gaalkacayo oo Heshiis laga Gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdishu(SLpost)-Colaaddii ka taagnayd magaalada Galkacayo ayaa laga gaadhay  heshiis is afgarad,waxaana la soo saaray afar qodob oo xal loo arkay.

 

Raysal-wasaaraha Somaliya,Cumar C/rashiid Cali ayaa lagu wareejiyay maxaabiis dagaalladii ka dhacay dhawaan magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kasoo jeeda Maamulka Puntland, iyadoo maxaabiistan uu wareejiyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed ay tiradoodu ahayd sagaal qof.

Shir jaraa’d oo Gaalkacyo ay ku qabteen madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed iyo R-W Somaliya Sharma’arke ayaa waxay ku sheegeen inay isla meel-dhigeen afar qodob oo xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo lagu xallinayo.

“Mas’uuliyiinta ka socda dawladda Somaliya iyo maamul-goboleedyada Gaalkacyo u yimid xallinta colaadda ka taagan waan u mahad-celinaynaa; marka labaadna waxaan aqbalnay 4-qodob oo ay xubnahan noo soo jeediyeen, kuwaasoo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo,” ayuu yidhi Madaxwayne Guuleed.

  1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo
  2. In Ciidamada is-hor-fadhiya la kala Qaado
  3. In dadkii magaalada ka barakacay lasoo celiyo
  4. In la dhiso guddi kawada hadla dhibka jira, guddigaas oo ay soo dhisayaan dhinacyada kala duwan iyo dowladda federaalka Soomalia.

 

 

Raysal wasaaraha Somalia ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay in xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo xal-waara laga gaadho, isagoo intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay maxaabiista uu madaxweynaha Galmudug ku wareejiyay iyo sida ay u aqbaleen qodobadii ay soo jeediyeen si loo xalliyo colaadda ka jirta Gaalkacyo.

“Waxaan ku faraxasan-nahay in afartii qodob ee aan soo jeedinnay ay madaxda Galmudug nala qaateen; weliba waxaan kusii adkeynayaa in colaada la joojiyo iyo in labada dhinacba ay isku waqti ku baaqaan nabad, ayna yidhaahdaan wixii maanta ka dambeeya colaadi kama dhacayso magaaladan”ayuu yidhi Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isla maanta soo gaadhay Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo isaga iyo dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe ay kula kulmeen waxgaradka Puntland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories