HomeSOOMAALIYA: Ciidammo Itoobiyaan ah oo Saaka la Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso-mareeb

SOOMAALIYA: Ciidammo Itoobiyaan ah oo Saaka la Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso-mareeb

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Galgaduud(SLpost)-Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saaka ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.

Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inay ciidamadani la wareegaan garoonka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo horay u joogay garoonka ay ciidamadani ka eryeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in garoonka uu ka mid yahay goobo loo asteeyay inay saldhigyo ka dhigtaan ciidamada ee ku sugan magaaladaas.

Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay doonayaan in ay dib u furaan garoonka Dhuuso-mareeb, kaasoo in muddo ah aan shaqeyn, inkastoo weli aysan jirin cid arrintan si rasmi ah ugu dhawaaqday.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu magaalada Dhuuso-mareeb ka furmo wadahadallo ay yeelanayaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo lagu xallinayo khilaafyo labada dhinac u dhexeeyay.

Ugu dambeyn, taliska AMISOM oo ay hoos-tagaan ciidamada Itoobiya iyo Dowladda FS ayaan weli ka hadlin la wareegidda ay ciidanka dalka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay la wareegeen garoonka degmada Dhuuso-mareeb.

Si kasta ha ahaatee, shacabka ku nool daafaha garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in ciidamada la wareegay garoonka ay yihiin kuwo ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories