HomeSOOL: Xogo Faahfaahsan oo la xidhiidha Qaabka uu u dhacay hawlgal lagu...

SOOL: Xogo Faahfaahsan oo la xidhiidha Qaabka uu u dhacay hawlgal lagu qabtay Nin ka tirsanaa Koox Al-shabaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

NewsXidh-xidh (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa shalay ku guulaysatay inay soo qabtaan nin ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo sida la sheegay muddo badan dhuumaalaysi ku joogay deegaanka Xidhxidh oo ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay hawlgal ay sameeyeen shalay kaga soo qabteen deegaanka  Xidh-Xidh nin ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Maxamed Axmed (Carabay).

Qabashada ninkan ka tirsan Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambaysay natiijo wax ku ool ah oo laga gaadhi waayey waan-waan muddo afar bilood ku dhow u socota ehelka ninkan iyo xukuumadda Somaliland, taas oo lagu doonayey in cafis loogu fidiyo, maadama sida la sheegay uu ballan-qaaday diyaar ahaa inuu la shaqeeyo xukuumadda.

Xogaha ku saabsan Cabdilaahi (Carabay), ayaa sheegaya inuu muddo ku dhow todoba bilood ku sugnaa deegaanka Xidh-xidh oo ka tirsan degmada Laascaanood, balse muddooyinkii ka horeeyey uu xubin firfircoon ka ahaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo tuhunsan yahay inuu kaalin muhiim ah ka geystay dilal la xidhiidhiyey oo hore uga dhici jiray gobolkaa.

Sida ay tibaxeen xogo ku saabsan soo qabashada ninkan oo Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, soo-qabashada ninkan ayaan haba yaraatee lala xidhiidhin inay wax gacan-saar ah iyo ka-qayb-qaadasho ku lahayn ciidamo ka socda dalka Itoobiya, sida lagu baahiyey saxaafadda maxalliga ah qaarkeed, balse waxa ay xogahani sheegeen in halwgalkan ay fuliyeen ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Laascaanood.

Cabdilaahi (Carabay) ayaa la sheegay in xalay ciidanka qaranku soo gaadhsiiyeen caasimada Hargeysa, halkaas oo baadhitaano ku saabsan xaaladiisa uga bilaabmi doonaan xarumaha hay’adaha ammaanka.

Si kasta ha ahaatee, qabashada ninkan oo hore cafis saamaxaad u soo dalbaday, ayaa la filayaa inay wax badan u fududeyso eedaha loo haysto, iyada oo dhici karta inuu dabin u noqdo xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo laga yaabo inay ku dhuumaalaysanayaan gudaha Somaliland.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories