HomeSOOL: Xanuun Astaamihiisa La Garan Waayey oo Lagu Arkay Deegaanka God-aalo

SOOL: Xanuun Astaamihiisa La Garan Waayey oo Lagu Arkay Deegaanka God-aalo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Laascaanood(SLpost) – Waxgarad jooga deegaanka God-Aalo ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay Xanuunno iyo abaaro ka jira deegaankaas oo 135 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Laascaanood.

 

Maxamuud Cabdi Ciise (Biciid Fuul) oo ah guddoomiyaha God-Aalo ayaa VOA u sheegay in xanuunada iyo abaaraha ka jira dartood ay dadka deegaankaas u hayaameen duleedka magaalada Laascaanood.

 

Sheekh Cabdilaahi Faarax oo xanuunkaas uu isaga naftiisa ku dhacay ayaa VOA-da u sharaxay xanuunkaas qaabka uu dadka ugu dhacayo, waxaana uu sheegay in uu saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan dadkii deegaanka God-Aalo deganaa.

 

Koox caafimaad oo ka socota hay’dda Bisha Cas ayaa gaadhay deegaanka, waxaana ay sheegeen in ay gurmad u baahan yihiin dadka xanuunkan uu saameeyay, sida uu sheegay Siciid Kaahin Shire oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Bisha Cas.

Mudane Biciid Fuul wuxuu sheegay inaanu waligii arag cudur astaamahan leh “Aad iyo aad ayaa loo bukaa, qoys aan cidi ka bukin ama aan qufacayna ma jiro,” ayuu yidhi isagoo intaasi ku daray in qoyska aan xanuunka u wada jiifinna ay cid uuni ka jiifto, waxa uu sidoo kale yidhi “Hargab iyo kaneeco waa la arki jiray laakiin midna maaha, dadku way soo dhacayaan, markaa qofka xumad madaxa ah ayaa qabanaysa, intaa aan joogay ilaa 1964-kii cudur noocan ah ma arag.”

 

Sheekh Cabdilaahi Faarax, oo xanuunkani ku dhacay ayaa sidoo kale sheegay in madaxu qofka xanuunayo, xumad kalena yeelanayo, isagoo sheegay in qofku noqonayo bilaa awood “ Adhaxda waa lagu kala goynayaa, madaxuna wuu ku kala dhacayaa, itaalkana waa lagaa qaadayaa, haddaad is tidhaahdo kac oo waysayso ama suuliga gal waad dhacaysaa,” ayuu yidhi Sheekh Cabdillaahi.

 

Waxgaradkan ayaa maamulka gobolka Sool, xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha caafimaadka ugu baaqay inay gargaar ka gaystaan xanuunkan ku habsaday bulshada degaannada God Aale.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories