HomeSOOL: Mashruuca Sahaminta Biyaha Magaalada Laascaanood Oo La Bilaabay

SOOL: Mashruuca Sahaminta Biyaha Magaalada Laascaanood Oo La Bilaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Laascaanood(SLpost)-Agaasimaha guud ee wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur  oo uu weheliyo gudoomiye-xigeenka gobolka Sool iyo maamulaha mashruuca horumarinta biyaha ee sanduuqa SDF Mudane Maxamed Faarax Cabdi, ayaa  daahfuray mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Laascaanood oo ay hirgalinayso wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Mashruucan oo lagu sahaminayo biyaha magaalada laascaanood ayaa waxa markii ugu horreysay laga daahfuray duleedka magaalada Laascaanood ee deegaanka Gambadhe, ugu horreyna waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo kasoo jeediyay Maxamed Faarax Cabdi oo ah maamulaha mashruuca horumarinta biyaha ee hay’adda SDF isagoo ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan biyaha ee magaalada Laascaanood. ‘’Maanta waxaannu taaganahay Laascaanood duleedka waa goob ay ka socoto shaqadii sahaminta biyaha Laascaanood, waxa inoo bilowday mashruucii biyo ballaadhinta magaalada laascaanood, biyo ballaadhan ma odhan karnee biyo galinta magaalada Laascaanood..’’ ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye-xigeenka gobolka Sool mudane Cabdirashiid Xirsi Dalmar, oo uga mahadceliyay wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland dedaalka faraha badan ee ay galisay sidii bulshada reer Sool ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Geesta kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka ee qaybta laba iyo tobnaad ee aagga hore ee Gambadhe, isagoona sheegay inay aad u soo dhaweynayaan biyo galinta deegaankan maadaama buu yidhi aanu ka mid nahay ciidan ahaan dadka deegaankan degan.

Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur isagoo sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’antahay sidii bulshada ku nool gobolka Sool ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.  Waxaana uu yidhi ‘’ waxa ugu horayn farxad weyn ii ah maanta inaan taagnahay dooxadda gambadha oo ah jiida hore ee ciidanka, waxaana maanta halkan ku daahfuraynaa mashruucii daraasadda biyaha laascaanood, sida aynu ognahay dhulka ilaahay waa uu kala duwanyahay, qaarabana si baa khayraadkiisa looga faa’idaystaa, dhulkananina waxa uu qani ku yahay biyaha dushiisa, haddii imika aynu eegno dooxadan imika aynu taaganahay waxa mara billion billion billions Mitter Cube  ama foostaba nidhaahno oo sida ay too u socdaan gala baddan…’’

 

Somalilandpost Office, 2015

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories