HomeSoo eeg, si aad u ogaato! W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagocadde)

Soo eeg, si aad u ogaato! W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagocadde)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed F. Xasan1. Soo eeg siiradii rasuulka (scw), si aad wax uga ogaato sifaadkiisii wanaagsanaa, waxaad ka dheeraan doontaa iimaan la’aanta iyo aduunyo jacaylka, waxaad ka dhaxli doontaa hab dhaqanka nolosha iyo waajibaadka saaran qofka muslinka ah.

2. Soo eeg xaramka, noloshaada hal mar ama sanadkasta hal mar, si aad iskaga soo baabiiso danbi wixii aad gashay, waxa aad ka dheeraan doontaa xumaan dambe, waxaad ka dhaxli doontaa taqwad iyo Alle ka cabsi.

3. Soo eeg, xabaalaha todobaad kasta hal mar si aad u ogaato noloshu waxa ay tahay, waxaad ka dheeraan doontaa macaasida, waxa aad ka dhaxli doontaa camal iyo cibaado suuban iyo quluubtaada oo qoyda.

4. Soo eeg cisbitaalada bil kasta hal mar, si aad u ogaato waxa uu caafimaadku yahay, waxa aad ka dheeraan doontaa dayacaada wakhtiga aad caafimaad qabto, waxa aad ka dhaxli doontaa karti iyo firfircooni dheeraad ah iyo inaad ka faa’iidaysato wakhtiga aad caafimaad qabto.

5. Soo eeg hal mar oo ka mid ah nolashaada jeelka ama xabsiga si aad u ogaato qiimaha xoriyada, waxa aad ka dheeraan doontaa ku dhiirashada dunuubta ka dhanka ah dadka kale, waxa aad ka dhaxli doontaa edaab iyo adeec.

6. Soo eeg maktabadaha iyo xarumaha kaydka aqoonta, si aad u ogaato qiimaha erayga qoran, waxa aad ka dheeraan doontaa wax lagaaga sheekeeyo, waxa aad ka dhaxli doontaa cilmi iyo aqoon korodhsi.

7. Tijaabi nolosha guurka xalaasha ah, si aad u ogaato raxmada iyo naxariista uu Illaahay Quraanka inoogu sheegay ee nolosha lamaanaha, waxa aad ka dheeraan doontaa sinada, waxa aad ka dhaxli doontaa ubad iyo arsaaq waasac ah.

8. Soo eeg iskuulada iyo madarasadaha si aad u ogaato qiimaha waxbarashada u leedahay bulshada, waxa aad ka dheeraan doontaa jahliga, waxa aad ka dhaxli doontaa fahan iyo mustaqbal fiican.

9. Soo eeg macalimiinta iyo goobaha ciyaalka wax loogu dhigo maalin kasta hal mar si aad u ogaato waxa uu dul qaadku yahay, waxa aad ka dheeraan doontaa dabeecad xumaanta, waxa aad ka dhaxli doontaa khibrad iyo dad kala duwan la dhaqanka ama la noolaanshaha.

10. Soo eeg goobaha ka baxsan magaalooyinka (miyiga) si aad u ogaato halkii aynu ka nimid waxa aad ka dheeraan doontaa ka maagida iyo in aad ka faanto hidahaagii soo jireenka ahaa, waxa aad ka dhaxli doontaa hal-adayg iyo ku hirasho milgahii dhaqankeena iyo dhab ahaan waxa ay ku tiirsan tahay nolosheenu.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde

Arday, Kulliyada sharciga jaamacada hargeysa, iyo Kuliyadda maamulka iyo horumarinta ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda (CSI).

Xubin ka tirsan Bahda Hal-abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)

Email: Mdhagocade@gmail.com

ama xiinfiniin_10@hotmail.com

ama booqo Mareegta: Www.bar-qoraal.blogspot.com

Tell: 063-4470220

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories