HomeSoo-dhaweyta Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo Si Weyn looga Dareemayo Hargeysa

Soo-dhaweyta Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo Si Weyn looga Dareemayo Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa Caawa ka socda damaashaadyo ay shacabka caasimaddu ka dhigayaan faras-magaalaha iyo jidadka kala duwan.

blankShacabka Hargeysa waxa ay damaashaadka u samaynayaan soo-dhaweynta weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo labadii todobaad ee u dambeeyey safar shaqo ugu maqan dalka Maraykanka, kuwaas oo la filayo inay Dalka dib ugu soo laabtaan gaadhaan Sabtida Berri.

Dadweyne tiro badan oo ku gaashaan Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jidadka caasimadda isugu baxay, iyagoo qaarkood lugahooda maalaya halka kuwo kalena ay gaadiidka iyo sameecado waaweyn oo ay ka dhegaysanayaan Heeso Waddani ah.

Damaashaadka ay shacabka Hargeysa ugu sii dabbaal-degayaan soo-dhaweynta Weftiga Madaxweynaha, ayaa dadka qaarkood oo la weydiiyey ku tilmaameen mid ka tarjumaya guulo-dublomaasi oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka gaadhay safarkiisa dalka Maraykanka.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay guul baad u soo hoysay Somaliland, wax-qabad weynna qaranka waad u soo kordhisay mar hadduu maanta Maraykan garawsaday qadiyadda madax-bannaanida Somaliland. Runtii waanu kugu bogaadinaynaa adigiyo wasiiradaadu guusha aad ka keenteen Maraykanka,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha damaashaadka isugu baxay Hargeysa Caawa.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay dowladda Marayka. Waxa uu Kulmo kala duwan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka oo ka kooban Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu khudbado uu kaga hadlay Qadiyadda madax-bannaanida iyo horumarka dhinacyada Dimuqraadiyadda iyo Dhaqaalaha Somaliland ka jeediyey Fagaareyaasha lagu falan-qeeyo siyaasadda Arrimaha ee Maraykanka, gaar ahaan Heritage Foundation iyo Macadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda George Washington ee Caasimadda Dalkaas.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka, ayaa sababay in Labada Aqal-baarlamaan ee Maraykan la hor-keenno mooshinno lagu taageerayo Qadiyadda Somaliland iyo kor-u-qaadista Xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga Golihiisa Wasiirrada ee uu hoggaaminayo oo dalka ka dhoofay 12kii bishan March 2022, ayaa la filayaa inay dalka soo gaadhaan Sabtida Berri oo taariikhdu ku beegan tahay 26ka March 2022.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories