HomeSoo-dhaweyntii Madaxweyne Muuse iyo Weftigiisa ee Oodweyne ilaa Hargeysa oo uu ku...

Soo-dhaweyntii Madaxweyne Muuse iyo Weftigiisa ee Oodweyne ilaa Hargeysa oo uu ku soo guryo-noqday (Warbixin+Sawirro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii heer qaran ee uu hoggaaminayey oo maalmahan safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, waxana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex.

Ugu horrayn madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay safarkooda saaka ka bilaabeen kormeer shaqo oo ay ku tageen dugsiga hoyga ah ee Xaaxi oo katirsan gobolka Daad-madheedh, waxana uu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda Ardayda dugsigaas wax ka barata, isaga oo warbixin ka dhegaystay maamulka sare ee dugsigaas.

blankTuulada Balli-sugulle, ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa ay boqollaal shacab ahi kusoo dhaweeyeen, waxana uu madaxweynuhu halkaas ku haaneeday haleello irmaan oo uu shacabka hortiisa ku lisay, isaga oo uga sii gudbay dhinaca degmada Hara-sheekh oo ay shacabkeeda oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiini madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweyn miisaan leh ugu sameeyeen, isaga oo halkaas warbixinno kaga dhegaystay qaar kamid ah waayeelka iyo waxgaradka degmada Hara-sheekh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer Hara-sheekh ee soo dhaweysay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa qorshaheeda safka hore kaga dartay in la horumariyo baahiyaha Aas-aasiga ah ee degmada Hara-sheekh, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hara-sheekh in MCH casri ah laga dhiso wasaaradda caafimaadka qorshaheeda sannadkan dhammaanaya way ku jirtaa, haddii ay la raageenna Insha Allah way iman doonaan oo way bilaabi doonaan, waayo waa qorshe hore u yaallay.”

Deegaannada Balli-Axmed iyo Shaarub ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyey, waxana bulshada deegaannadaas ku dhaqan ka muuqatay dareen waddaniyadeed iyo taageero dhinaca waxqabadka ah oo ay la garab joogaan xukuumadda.

Degmada Bandar-wanaag oo katirsan gobolka Maroodi-jeex, ayey madaxweynaha iyo weftigiisu soo dhaweyn baaxad leh kala kulmeen, waxana shacabkii madaxweynaha soo dhaweynayey hormuud u ahaa maamulka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka golaha degaanka caasimadda, madaxda dhaqanka, xildhibaannada iyo qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaannadaas kasoo jeedda, iyada oo madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey madal loo asteeyey in weftigu shacabka kala hadlo.

Madaxda degmada Bandar-wanaag iyo xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaan oo hadallo kooban ka jeediyey madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey ka hadlay, ayaa ka xog-warramay xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha haysta bulshada deegaannadaas ku dhaqan, kuwaas oo ay ugu weyn tahay baahida loo qabo in talo midaysan laga yeesho waddada Oodweyne-Burco oo ah mid wax badan ka taraysa isu socodka gobollada bariga iyo galbeedka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Bandar-wanaag, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee lagu qaabilay, waxana uu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax laga qabto baahiyaha lama huraanka ah ee degmada ka jira, waxana uu shacabka iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay xil iska saaraan ka qayb-qaadashada baahiyaha bulsho ee halkaas ka jira oo aan dawladda oo kaliya lagu hallaynin.

Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo waxa hadhimo-sharafeed loogu sameeyey duleedka waqooyi-bari ee magaalada Bandar-wanaag, waxana ay isla galabta kusoo laabteen caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo dhammaystay safar shaqo oo shan maalmood qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada dalka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories