HomeSoo dhaweyntii layaabka laheyd ee Reer Gabiley Ku Qaabileen Urur Siyaasdeedka...

Soo dhaweyntii layaabka laheyd ee Reer Gabiley Ku Qaabileen Urur Siyaasdeedka Wadani+ Farxadii Ciro+ Hinaasihii Xisbi Xaakimka + Awoodii Boolisku u Adeegsadeen Taageerayaasha iyo Difaacii Jamaahiirka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)-Kumanaan qof oo kamid ah dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, ayaa barqadii saaka si layaab leh u soo dhaweeyay, Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani, islamarkaana ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi(Ciro), iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay, oo ay maalmahanba reer Gabiley gaar ahaan taageerayaasha Ururkaasi, dhaqdhaqaaq xoog leh ku sugayeen dhoolatuska soo dhaweyntiisa.

blankWaxa Gudoomiyaha iyo Waftiga uu hogaaminayo,kaga hor tagey, Magaalada Arabsiyo Gaadiid tira badan, oo soo dhaweyntiisa usoo galbiyay, dhinaca Magaalada Gabiley, halkaas oo markii uu soo gaadhay agagaarka Huteelka Asker ee Badhatamaha Magaalada, uu Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani,salaam qaad lug ah kusoo dhex marey boqolaalkii qof ee hareeraha ka tuna jidka weyn ee badhtamaha Magaalada Gabiley, iyagoo socodkaa ku tagey ilaa Xarunta, Xafiiska Urur Siyaasadeedka Wadani looga asteeyay Magaalada Gabiley, oo qiyaastii 1km isu jirta.

blankGudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi(Ciro),oo ugu horeyn hadalo uga jeediyay, dadweynaha Gabiley ee taageerayaasha ururkaasi, ayaa khudbad miisaaman, oo uu halkaa ka jeediyay, waxa uu tilmaan ka bixiyay, sida uu ugu faraxsan yahay taageerada layaabka leh ,ee ay reer Gabiley ku qaabileen ururka Wadani, isagoo faafaahin ka bixiyay ujeedooyinkii loo aasaasay urur Siyaasadeedka Wadani iyo doorka ay siinayaan dadweynaha iyo dhalinyarada ka qeyb galka Arimaha Siyaasada, waxa kale oo C/raxmaan Maxamed C/laahi (ciro) carabka ku dhuftey, in ay ka go,an tahay in Wadani aanu reer Gabiley u aqoonasneyn Gobolnimo dhiman sida Axsaabtii hore ee balanqaadyada u sameeyay, iyo Xukuumadihii talada dalka soo qabtey, waxaana kamid ahaa hadaldiisii.

blank“Waxaan xasuustaa Toban sanadood ka hor mar aanu nimad Magaaladan, Gabiley  anaga oo xisbi furayna oo uu na hogaaminayey ALLE ah u naxariistee Axmed Muuse Geeddi (Sanjab) waa xisbigii Sanjab waday oo aanu magacii ka bedelnay oo aanu toban sano ka dib, idiin keenay, Ujeeadada ururkani loo aas aasay waxa weeye ka dib markii la ogolaaday in la furo ururada siyaasada tobankii sanadoodba mar laguna ansixiyey xeer qaran oo ay Golayaasha sharci dajinta anixyeen Madaxweynuhuna saxeexay, xeerarka cid gaaar ah looma sameeyo waxana loo sameeyaa dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland ah, hadii ay Golayaasha qaranka ku jiraan iyo hadii kaleba, sadexda xisbi qaran jiraa ururada markaa wey la tartamayaan sida xeerku tilaamayo.” Ayuu yidhi , Gudoomiyaha Ururka Wadani C/raxmaan Cirro, Ra,iisal-Baarlamaanka Somaliland.

blankWaxa kale oo intaa ku darey hadalkiisa uu ku tusbax furey Gabiley,  “ Dhamaan Xildhibaanda Golayaasha deegaanada oo ku dhow afar boqol oo mudane  iyo xildhibaanada Golaha Wakiiladu waxay xaq u leeyihiin inay ka tartamaan  Asxaabtii ay ku jiri jireen ama ay urur cusub samaystaan ama ay mid kale ku biiraan, waxa baryanahan dambe Saxaafada ku soo badanayey qaylo ka soo yeedhaysay asxaabta qaar ka mida, waxanaan leeyahay qolooyinkaas ka tirsan Axtaabta Qaranka naftiina Aamina oo tar-tanka u soo diyaar garooba, laysma gaadhin durba baqdinta iska daaya.”

blankC/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro),oo maanta huwanaa labada xil Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Wadani iyo Gudoomiyaha Bsaarlamaanka Somaliland, waxa uu tilmaan ka bixiyay,shuruucda xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo waxa uu xaq u siiyay Dastuurku, waxaanu yidhi,  “Mudanaha Golaha Wakiilada waxa lagu soo doortay cod toos ah, tusaale hadii aynu u soo qaadano reer Gabiley ma Tukaale ayay doorteen mise UCID. Xisbi kastaa wuxuu ku faanayay tirada mudane ee u soo baxa lakiin Xusbiyada waxa sharafta u keenay inta mudane ee codkoodka ay heleen ku soo baxay.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha kumeel gaadhka ah ee Urur Siyaasadedka Wadani.

blankC/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro),oo maanta huwanaa labada xil Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Wadani iyo Gudoomiyaha Bsaarlamaanka Somaliland, waxa uu tilmaan ka bixiyay,shuruucda xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo waxa uu xaq u siiyay Dastuurku, waxaanu yidhi,  “Mudanaha Golaha Wakiilada waxa lagu soo doortay cod toos ah, tusaale hadii aynu u soo qaadano reer Gabiley ma Tukaale ayay doorteen mise UCID. Xisbi kastaa wuxuu ku faanayay tirada mudane ee u soo baxa lakiin Xusbiyada waxa sharafta u keenay inta mudane ee codkoodka ay heleen ku soo baxay.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha kumeel gaadhka ah ee Urur Siyaasadedka Wadani.

blankWaxa kale oo isaguna halkaa ka Hadley Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed C/laahi  Uurcade, oo isaguna taageerayaasha Wadani uga waramay, waaya aragnimada iyo aqoonta ku dihin Gudoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciro isagoo, Tusaale ka bixiyay Safaaradihii uu kasoo shaqeeyay, iyo aqoontiisa diblamaasiyadeed iyo waliba sida uu uga barida yahay Qabayaalada, iyo siyaasadaha qaloocan ee Somaliland aafeeyay.

blank
Guddoomiyaha ururka Wadani

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka Hadley Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan, Caaqil C/lahi Qalinle Fariid, iyo Muuse Jaamac Garas, oo dhamaantoodba sheegay in ay diyaar u yihiin Soo dhaweynta Urur Siyaasadeedka Wadani

Dhinaca kale jawigii ,soo dhaweynta Urur Siyaasadeedka Wadani ee Magaalada Gabiley, waxa ku lamaanaa muuqaalo reer Gabiley xasuusiyay hirdankii ka dhexayn jirey jamaahiirka dadweynaha taageerayaasha u ah Xisbiyada Mucaaridka ah iyo talaabooyinkii cabudhinta ahaa ee ka iman

jirey Masuuliyiinta Xukuumada, oo adeegsanaya Ciidanka Booliska , taas oo sida lawada ogyahay taageero u kordhin jirtey Xisbigii Kulmiye, ee ku xoog badnaa Gabiley.

Hadaba marka dib loogu noqdo, dhacdooyinkii subaxnimadii hore ka dhex dhacey Ciidanka Booliska, iyo taageerayaasha Wadani ee Gabiley,   ka hor intii aanu iman Waftiga Gudoomiye C/raxmaan Ciro,ayaa dhacay kadib markii ay Ciidanaka Booliska Gabiley, isku dayeen in ay albaabada u laabaan Sameecadaha iyo Mikirifoonada ,baabuurta saarnaa, ee ka shidnaa Xafiiska ururka iyo Gaadiidka wareegayay, arintaas oo la sheegay, in ay aheyd amar culus oo subaxnimadii lagu adkeeyay, Ciidanka Booliska haseyeeshee, Talaabadaasi, waxa gaashaanka u dhigay oo difaac adag ka galey dadweynaga taageerayaasha Wadani ee Reer Gabiley, oo ay ka dhex muuqdeen taageerayaal badan, oo door adag ku lahaa Xisbi Xaakimka Kulmiye, oo rag iyo dumrba lahaa,inkastoo ay qacdii hore Boolisku taxaabeen Axmed Dayib Aw Cali, iyo Maxamed Caydiid Cumar, oo labaduba qeyb ka ahaa abaabulka soo dhaweynta, iyo taageerada urur Siyaasadeedka Wadani, balse markii danbe lasii daayay.

Si kastaba ha ahaatee,waxa siweyn loo hadal hayay maanta Gabiley, muuqaalka soo dhaweynta urur Siyaasadeedka Wadani, loogu tusbax furey iyo doorka ay ku yeelan karto Xisbiyadii, hore uga dhiishaa dhaansadey dadweynaha Gabiley kuwaas oo aad moodo in aanay marnaba Gabiley ka helayn fursadihii ay kaga heleen codadka badan, iyadoo dadweynaha reer Gabileyna cadhooyinka ugu badan ee ay dhinaca Xukuumada u ahayaan balanqaadka ku beenoobay Xukuumada Siilaanyo, ee dhameystirka

Gobolnimada Gabiley oo waxba kama jiraan noqotey dhinacyo badan Miisaaniyada, iyo Haydaha Dowladaba.

Sidoo kalena waxa ay dadweynuhu is barbar dhig ku samanayeen howlgaladii abaabulka Caaqil Axmed C/laahi Xareed(Weerar), iyo kalahaadii Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe kusoo gaadhay Subaxdii hore

Gabiley, taas oo loo fasiran karo in dadweynaha reer Gabiley iyo madax-dhaqameedkooduba ka diga rogteen Asxaabtii hore islamarkaana aanay jirin wax lagula soo noqdo oo muuqdaa haseyeeshee, ay furantey waji cusub oo ay ku kala xulanayaan Ururada cusub kii ugu macquulsan, gabagabadiina, waxaa ururkani ka taageero badnaa boqolkiiba boqolkiiba urur Siyaasadeedkii u horeeyay ee Gabiley yimaada.

SomalilandPost.net

C/raxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)

Gabiley, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories