HomeSONYO Oo Culimada Hargeysa Kala Hadashay Qaabka Ugu Haboon Ee loo Joojin...

SONYO Oo Culimada Hargeysa Kala Hadashay Qaabka Ugu Haboon Ee loo Joojin Karo Tahriibta Dhalinyarada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO ayaa kulan wada-tashi iyo baraarujin ah la yeelatey in ka badan 100-xubnood oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa gaar ahaan Iimaamyada masaajidada ee iyagu jeediya Khudbadaha Jimcaha ee culimadu dadka kula hadasho, waxaana kulankaas si wada jir ah u soo agaasimey Dallada SONYO, Culimada Wanaag-farista, Wasaaradda Diinta iyo Guddi Dhallinyaro oo iyagu iskood isku xil-qaamey.

Waxaaan kulankaas ku sugnaa xubno ka tirsan hoggaanka iyo hawl-wadeenada dallada SONYO, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha Dallada SONYO, Mubaarik Ismaaciil Taani, Xubin ka tirsan Golaha Sare ee SONYO, Khadar Nuur aw Cabdi iyo Agaasimaha Dallada SONYO, Siciid Maxamed Axmed oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan hawl-wadeenada fulinta ee xafiiska SONYO. Waxaa iyaguna halkaas ku sugnaa xubno dhallinyaro ah oo iyagu iskood isu-xilqaamay lana baxay ‘Guddida Dhallinyaradda Ka-hortagga Tahriibka’.

Sonyo LogoSidoo kale waxa kulankaas ka soo qaybgalay Culimada waawayn ee dalka, kuwaas oo ay horkacayeen Iimaamyada masaajidada waaweyn ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale, waxaa halkaas ku sugnaa Guddida Culimada “Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista”.

Sidoo kale waxaa madashaas laga soo jeediyey hadalo warbixino iyo dardaaran isugu dhafnaa, kuwaas oo runtii xambaarsanaa dareeno qiiro lahaa oo ka tarjumayay sida ay xubnihii shirka yimid uga xumaayeen aafada naxdinta iyo dhiilada leh ee Dhuunyaalka ama tahriibka.

Falanqayn dheer iyo dood furneyd ka dib, waxaa ay Dallada SONYO usoo jeedisey kana codsatey Culimadii Shirka joogtey, gaar ahaan laba qoddob oo kala ahaa:-

•  In Culimadu ay farriimo waxyi-galineed oo xoogan ka gudbiyaan Masaajidada magaalada isla markaana ay khudbadaha jimcayaasha ku tiraabaan khatarta, saameynta taban iyo dambiga ku ladhan falalka bani-aadinimada ka baxsan ee tahriibinta ubadka yar yar iyo dhallinyaradda JSL oo iyagu ah rajada dalkani ka dhul-sugayo.

•  In ay Culimadu ay isugu yimaadaan Kulan iyo Wada-tashi ku aadan sidii mawqif cad (Fatwah) looga qaadan lahaa falalka la xidhiidha aafadan Tahriibka, isla markaana ay Culimadu caddeeyaan mawqifka diinta Islaamku ka qabto fal-dambiyeedkan hooga huwan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories