HomeSONYO Khilaafkeedu wuxuu dogobyo sii saaray Dayowgii dhalinyarada Haystay – W/Q: Suleiman...

SONYO Khilaafkeedu wuxuu dogobyo sii saaray Dayowgii dhalinyarada Haystay – W/Q: Suleiman Abdisitar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dubadUgu Horayn (ASC), Bacdigeed Midowga dhalinyarada iyo inay yeeshaan marjac laga maamulaa waxay muhiim u tahay da’yartan  Somaliland ee majarahabawsan,  dhalinyaradan maalinba siyaasi danayste ah iyo Afmiishaar  ku guurayo, da’yartan warbaahinta kaga faanaysa reer hebel iyo hadaan hebel sidaa loo yeelin, Da’yartan badaha ku dhamaatay aqoonyahankoodii ardaydii jaamacadaha iyo dugsiyada sare kujirtayna ay hiigsanayaan dal shisheeye, dhalinyaradan ku mashquulsan maalin wax la quuto ee aan maankaba ku haynin dalkan iyo dadkan inaanay cidi u maqnayn ee iyaga uu maankooda iyo muruqooda dugsanayo.

Inkastoo ay aad u badan yihiin dhalinyarada hanka iyo hiigsiga leh ee u han wayn dalkooda hooyo iyo u hagar bixiisa, hadana sida maalin walba inoo muuqanaysa waxay muujinaysaa  calaamad guul daro, metelan markaad aragto dhalinyaradii aqoonyahanka ahaa oo urur reereed ka soo dhex hadlaya ku hanjabaya oo ugu muusoonaya reer hebel kale oo aanay waxba dhex marin, markaad aragto dhalinyaradii ururada bulshada oo hayb hayb isu hormaystay hogaankoodana doonaya inay ku doortaan sidii ka dhacday hada daladii dhalinyarada ee SONYO.

Shakhsiyan anigoo SONYO u arka madal dhalinyaro oo ay da’yar aqoonyahan ahi isku hawleen hirgelinteeda inay guulaysato oo la sii dhiirigeliyaana ay mudan tahay,  wallow aanay da’yartu ku dhamayn oo ay  keliya metesho dhalinyarada Ururada dhalinyarada qaybo ka mida, hayeeshee in ishii keliya ee jirtayna ay qabyaaladowdo oo lagu qaybsado hogaankeeda reero iyo caadadii dalkeena halkaa dhigtay waxay iigu muuqataa ifafaalo xun oo aan lagu sii dhiiran Karin.

Dalada Dhalinyarada SONYO khilaafkeedaas keenay inay doortaan laba Hogaan oo kala madax banaan waxay keenaysaa burbur midnimada ururadii ku midaysnaa dalada iyo in si wadajira loo sii wada shaqeey.  Daladuna iyadoo markii horeba ay koobnayd inta ku midowday haday intiina laba tiro ahaan aan kala fogayn u sii kala qaybsamaan  laf-jab bay ku tahay dhalinyarada  waana in sida ugu dhakhsaha badan laysugu soo dhaweeyaa, oo ku jiqsiida iyo isku muquuninta Codka ama haynta maamulku aanay noqon wax lagu kala adkaado waxaanay sababaysaa in raga iska soo horjeedaa isu-muuqdaan oo is xiniinyo taabtaan,  Xal ka gaadhista ugu yaraan SONYOdii jirtayna ay adkaato.

Dalada dhalinyarada SONYO , wasaarada dhalinyarada iyo da’yarta kale ee aqoonyahanka ahba waxaan Soo jeedin lahaa in la aas-aaso Gole dhalinyaro oo heer gobol ilaa heer qaran ah, madal siyaasad ahaan iyo afkaar ahaanba madax banaan oo ka talo bixisa horumarinta dhalinyarada iyo sidii dalkan cududdiisa dhalinyaro laysugu xidhi lahaa loogagana faaidayn lahaa.

Gabagabada Aragtidayda waxaan ku soo koobayaa dhalinyarada reer Somaliland waa isku hayb, waa isku Dan, way is huran yihiin waxaanay u baahan yihiin in laysu ururiyo ee uma baahna in lakala dhex dhigo caqabado iyo afkaaro aan iyaga anfacayn balse cidi ku aflaxayso, dhalinyarada Somaliland waxay u baahan yihiin Horumar ay kaga hakadaan badahan ay ku dhamaadeen oo ay dhulkoodan ka dhigaan mid laysu soo halaago oo loo soo tahriibo.

Intaan Saxay Eebaa ku mahadsan wixii iga qaldamayna shaydaanbaa iska leh

Suleymaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)

cabdisitaar@hotmail.com

www.samotaliye.blogspot.com

+252-63-4430873

Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories