HomeSONYO: Dallad Xilkeedii Gudatay!

SONYO: Dallad Xilkeedii Gudatay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Wariye Cabdishakuur Heersare

Guusha waa la kala hororsadaa, waa loo kala dheereeyaa isla mar ahaantaana marka la hantiyo waa lagu mintidaa. Waxaase ku gudban godad iyo turaanturooyin ka soo horreeya oo dabar ku noqda cid kasta oo guushaas haabka ku haysa inay gaadho. Ma samre wuu u dulqaataa caqabadahaas oo lagama dareemo wax ififaale ah oo guul-darro muujinaya. Waxa caado u ah oo lagu yaqaannaa adkaysi, dulqaad, debecsanaan, digtooni, indheer-garadnimo, waayeelnimo iyo rabitaan dhab ah. Cidda itaas laga waayo ayaa loo nisbeeyaa inay cagaha la gashay guul-darro ka hor istaagta bartilmaameedkeeda.

“Ku-dhac yeelo….ka dhabee ….ha-ka-hadhin….ha nuglaan….ha is dhiibin….ha ka baqan…. ha ka….ha ka…” iyo qaar kale oo badani waxa ay ku suntan yihiin dardaannada sahayda looga dhigo cidda guusha baadhigoobaysa.

Dallada SONYO oo ah dallad sidata magaca dhalinyarta Somaliland, waxa ay muddoba ku fooganayd sidii ay maruun uga dhabayn lahayd halgan ay kula jirtay shuruuc iyo xeerar xannibaad ku noqday da’yarta Somaliland. Waxa ay geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuushay ka midha-dhalinta hammiga siyaasiyiinta da’da yar ee JSL.

Waxay hal-beeg ka dhigatay in xildhibaannada golaha wakiilladu mar uun dood ka furaan qodobada dabarka ku ah in dhalinyaradu ka qayb-gasho golayaasha lagu forfeeyo ee laga hago talada iyo aayo-tiinka ummada. Waxay si gaar ah u bartilmaameedsanayeen golayaasha deegaanka, wakiillada iyo guurtida. Waxaana dirirta ugu badani ku waajahnayd qodobo ku jiray xeer lambar 20 ee xeerka doorashooyinaka, iyada dagaalka ugu culusi ku jihaysnaa qodobka 33,4 oo intii aanu golaha wakiilladu wax-ka-bedelka ku samayn sheegayay in mudanaha golaha deegaanka ka mid noqonaya da’diisa/da’eedu noqoto 35 jir. Waxaana qodobkaasi meel-ka-dhac weyn ku ahaa xaquuqda dhalinyarada Somaliland oo 70% bulshada JSL ah.

Si lama filaan ah ayay mudaneyaasha golaha wakiilladu 24-kii bishan October dood iyo falanqayn ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax-ka-bedelka xeerka doorashada goleyaasha deegaanka isla markaana kana dhigeen da’da la isku soo sharxayo 25-jir, oo ahayd yoolkii loo dan lahaa.

Waxaa guushaa ka dhabeeyey mudaneyaasha Golaha wakiillada Somaliland oo 19 ka mid ahi markii hore mooshinka soo dhigeen, halka ay sharciyeeyeen ogolaanshihii ay codka gacan-taagga ah wax-ka-bedelka xeerka ku ansxiyeen 34-ka Mudane, 5 Mudane ayaa diiday, 2 Mudanena way ka aamuseen guddoomiyuhuna aanu codayn. Sidaas ayuu ku ansaxay.

Sidii aynu horeba u sheegnay waxa guushaa gardaadinayey dallada SONYO oo dadaal culus u gashay meel-marinta iyo soo dhicinta xuquuqda siyaadadeed ee da’yarta Somaliland. Waxa laf-dhabar iyo miishiinba u ahaa sidii arrintani u rummoobi lahayd guddi dhalinayaro ah oo dalladu u igmay inay ka hawl-galaan dabaradaa-sharciyeed, kuwaas oo ka koobnaa sagaal magacooduna ahaa:“GUDDIDA FURISTA DABARADA SHARCI EE DHALINYARADA.”Waxaana guddidaas ka mid ahaa: Khadar Nuur Aw Cabdi [Xil SONYO, Siciid Maxamed Axmed [Agaasimaha SONYO], Maxamed Xasan Dirir [siyaasi da’yar], Farxaan Cabdi Saleebaan [Youth activist], Maxamed Axmed Jaamac [Saxafi], Khadar Cabdilaahi [Youth activist], Caasha Nuur Axmed [Qurbejoog dhalin yar ah & Aqoonyanahad] Cabdilaahi Xasan Digaale [Xubin uruka USWO] iyo Awbaan Xasan Daahir Ismaaciil.

Tallaabadaasi waxay hoosta ka calaamadinaysaa inay SONYO xilkeedi gudatay. Waxaana ay ku mutaysatay hambalyo iyo mahadnaq ay u soo jeedinayaan dhammaan dhalinyarada uu damaca siyaasaddu ku jiro ee Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waxay muujisay halgan in muddo ah loo xusul duubnaa in laga dhabeeyo.

Isku soo wada xooriyo, waxa ay hadda taladu dhex taallaa dhalinyarada Somaliland. Waxa lagama maar maan ah in si feejigan isha loogu hayo meelaha kale ee wax-ka-bedelka xeerku marayo.

Anigu wax kale oo aan idhaahdo SONYO garan maayee, waxa aan ugu mahadcelinayaa 20-kan Af: Waad mahadsan tihiin, شكرا, Thank you, merci, grazie, kiitos, 谢谢, takk, dankie, ありがとう, teşekkür ederim, salamat, ಧನ್ಯವಾದಗಳು, köszönöm, terima kasih, Շնորհակալություն, asante, спасибо, dziękuję, dank u, hvala.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.comheersare2009@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories