HomeSomaliland: Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ka Qayb-qaadanaya Dhex-dhexaadinta Xukuumadda iyo Mucaaradka,...

Somaliland: Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ka Qayb-qaadanaya Dhex-dhexaadinta Xukuumadda iyo Mucaaradka, Beesha Caalamka baaq u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sonsafHargeysa (SLpost)- Dallada ay midaysan yihiin ururrada aan Dowliga lahayn ee Somaliland ee SONSAF (Somaliland Non State Actors Forum), ayaa war-murtiyeed ay soo saareen kaga dhiibtay talooyin iyo baaq la xidhiidha sidii xal looga gaadhi lahaa khilaaf ka taagan muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo dib-u-dhaca doorashooyinka.

War-murtiyeedka SONSAF kaga hadashay muranka siyaasadeed oo ay sheegtay inay xalkeeda qayb weyn ka qaadanayaan, ayaa ka dhashay shirar iyo kulamo is-daba joog ah oo Ururrada Aan dowliga ahi ka yeesheen khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta, waxaanay lagu xusay inay SONSAF ahaan ay diyaar u yihiin dhex-dhexaadin ay ka galaan xalinta khilaafka jira, iyaga oo sheegay inay beesha caalamka u gudbiyeen dokumentiyo koobsanaya casharradii laga bartay doorashooyinkii hore u soo maray Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi oo ay ku saxeexnayd Guddoomiye-ku-xigeenka SONSAF Marwo Aamina Faarax Caarshe, waxa uu u qornaa sidan; “Ujeedo: War-saxaafadeed ku Saabsan Khilaafka Muddo Kordhinta Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka

Kulamo ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah oo ku qabsoomay xarunta Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF laga soo bilaabo 14-kii – 17-ka May, 2015-ka, ayaa waxaa lagaga arrinsaday xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, muddo kordhintii Guurtiddu samaysay iyo argtiyaha kala duwan ee ay ka bixiyeen daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland sida Axsaabta Siyaasada, Bulshada Caalamka, Bulshada Rayidka ah iyo dhamaan bulshaweynta reer Somaliland. Hadaba Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay dhiiri gelinayaan wadahadalkii xukuumaddu ku baaqday, mucaaradkuna aqbaleen, kaas oo aanu u aragno in uu yahay dariiq lagaga gudbi karo is-marin waaga siyaasadeed.

Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay dood dheer ka yeesheen dhamaan waxyaabaha khuseeya habsami u socodka doorashooyinka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi dhiiri geliya dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka. Bulshada Rayidka ahi waxay hore u qaaday tallaabooyin dhaxal-gal ah oo ku wajahan sidii dalka ay uga dhici lahaayeen doorashooyin Xor iyo Xalaal ah.

Hadaba iyadoo taas laga duulayo, waxay Ururada Bulshada Rayidka ahi qoraalo rasmiya oo nuxurkoodu yahay casharadii laga bartay doorashooyinkii hore ee ka qabsoomay Somaliland iyo talabixino ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan doorashooyinka soo socda, waxaanay u kala direen dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka laga soo bilaabo Taariikhdu markay ahayd April 08, 2014, September 16, 2014, January 14, 2015 iyo May 07, 2015. Waxay Ururada Bulshada Rayidha ahi door weyn ka qaateen kala saarista diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha iyo diiwaan gelinta madaniga ah.

Si ay u qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxay Ururada Bulshada Rayidka ahi soo jeedinayaan talobixinno ku wajahan dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo kala ah:-

Ta koobaad: Ururada Buslhada Rayidka ahi waxay ugu baaqayaan Axsaabta Siyaasada iyo Xukuumada in khilaafka ka dhashay muddo kordhintidii Guurtiddu samaysay lagu dhameeyo wadahadal, isu tanaasul iyo in markasta danta koobaad laga dhigo waxa Qaranka dantiisu ku jirto oo waafaqsan hanaanka, xeerarka iyo shuruucda dalka u taala.

Ta labaad: Ururada bulshada Rayidka ahi waxay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda si loo gaadho Is-fahan wadajira ah, kaas oo caado u ahaa Somaliland muddadii ay soo jirtay.

Ta saddexaad: Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay taageersan yihiin wadahadalka ay ku baaqday xukuumaddu ee qorshaysan 20-ka May, kaas oo ay ku kulmi doonaan Axsaabta Siyaasada iyo Xukuumaduba, waxaanay Ururada Bulshada Rayidka ahi diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan wixii farsamo ah inta uu socdo wadahadalku.

Ta Afraad: Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay soo dhaweynayaan caawimada Beesha Caalamka ka siiso Somaliland xagga Horumarka iyo doorashooyinkaba, waxaanu ka codsanaynaa in ay sii wadaan taageerida ay siiyaan Somaliland. Anaga oo tixgalinayna Talooyinka Bulshada Caalamka waxaanu ku boorinaynaa inay fursad siiyaan wadahadalada muddaysan 20 ka May.

Gebogabo:

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland in khilaaf kasta oo yimaada loo maro hab is-qancin ah iyo dhawrista xeerarka dalka u yaala, iyadoo maslaxada guud ee umadda markasta la ilaalinayo, lagana horumarinayo danaha iyo af-kaaraha siyaasadeed ee lagu kala duwan yahay, layskuna ixitiraamo awoodaha dastuuriga ah,” Sidaas ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedka ka soo baxay Daladda Ururrada aan Dowliga ahayn ee SONSAF.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories