HomeSONSAF oo tabobar u furtay Korjoogeyaasha Maxalliga ah ee Doorashada Somaliland

SONSAF oo tabobar u furtay Korjoogeyaasha Maxalliga ah ee Doorashada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dallada ay ku bahoobeen Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa maanta tababar u qabatay sideed boqol oo qof (800) oo ah goob-joogayaasha maxaliga ah ee doorashooyinka isku sidkan Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31 May 2021.

Tababarkan oo ka bilaabmay Gobolada dalka Somaliland oodhan, isla markaana socon doona muddo laba maal-mood ah,ayaa waxa goob-joogayaasha lagu tababari doona Xeerarka iyo hannaanka doorashooyinka Somaliland,Waajibaadka iyo shaqada kor-joogayaasha maxaliga ah.

blankTababarkan oo muddo laba maalmoodah qaadan doona, waxa 48 macalin oo SONSAF hore ugu tabobartay.

“Tababarkan ayaa goob-joogayaasha Maxaliga ah lagu tababari doonaa Xeerarka iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin kor-joogayaasha maxaliga ahi doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Waxaanay Sideedaa boqol (800) ee korjoogayaasha maxaliga ahi ka hawl-geli doonaan maalinta doorashada sideed boqol oo ka mida goobaha doorashooyinku ka qabsoomayaan”Sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ka mid ahaa khubaradii bixinayay tababarka.

Mar uu ka Hadlayay Jaamac Ibraahim Cawad waxa tababarkan lagu tababarayo kor-joogayasha maxaliga ah, waxa uu yidhi “Maalinta kowaad ee tababarka waxa lagu baranayay Xeerarka iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland, maalinta labaad ee beritana (Sabti) waxa lagu baran doona uruurinta Xogta doorashooyinka, iyada oo la isticmaalayo agabka loo yaqaano Office Data Kit (ODK) oo ah aalad ay xogaha doorashooyinka ku soo gudbin doonaan kor-joogayaasha maxaliga ahi maalinta doorashada.Kor-joogayaasha maxaliga ahi waxay ka kala yimaadeen Ururada bulshada rayidka ah ee xubnaha ka ah Dallada SONSAF ee ay ka mid yihiin, NAGAAD, SONYO, SOLJA, SNDF, iyo qaar kale oo baddan….”.Ayuu yidhi.

blankTababarkan ayaa waxa ka taageeraya Dallada SONSAF midowga Yurub iyo hay’adaha kale ee ay wada shaqeynta la leeyihiin.

Waa markii ugu horeysay ee tiradii ugu badnayd ee dad naafa ahi ka qeybgalaan hawlaha kor-joogayaasha maxaliga ah ee ay SONSAF hormuudka ka tahay.

Waxaanay kor-joogayaasha maxaliga ahi wax weyn ka tari doonaan kobcinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyaadeed ee Somaliland.

Maaha Markii ugu horeysay ee ay Dallada SONSAF qabato hawlo la xidhiidha hannaanka qabsoomida doorashooyinka, ee waxay soo wadeen tan iyo markii ay Somaliland ka hir-galeen nidaamka Xisbiyada Baddan ee Doorashooyinku.

Waxa kale oo la filayaa inay Dallada SONSAF hawl-geliso Kormeerayaal maxaliya oo isugu jira heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo kor-meeri doona sida habsimada ah ee ay doorashadu u socoto maalinta Coddeynta 31 MAY. 2021.

blankTiradda goobaha codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada Iyo Deegaanka ayuu sheegay inay yihiin 2,709 goobood,iyada oo tiradda murashaxiintuna ay tahay 798 murashax,iyada oo 552 murashax ay u tartami doonaan Goleyaasha Degaanka dalka,halka 246 murashaxna ay u tartami doonaan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Dhinaca Kale, waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qul qulaaya goob joogeyaasha caalamiga ah ee ka qayb gelaaya doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha May 31-keeda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories