HomeSOMTEL oo Abaal-marin Ku Guddoonsiisay Cayaartoyga Gobolka HAWD Xaflad loogu sameeyay Balligubadle

SOMTEL oo Abaal-marin Ku Guddoonsiisay Cayaartoyga Gobolka HAWD Xaflad loogu sameeyay Balligubadle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Balligubadle, (SLpost)–Shirkadda isgaadhsiinta waddaniga ah ee SOMTEL ayaa abaalmarin-lacageed  guddoonsiiyay xulalka kubbadda cagta iyo kolayga ee Gobolka Hawd, iyada oo ballanqaadyo yididiilo lehna u samaysay dadweynaha deegaanka Balligubadle.

blankCiyaartoyga  Gobolka Hawd oo maanta dib ugu laabtay xarunta gobolka Hawd ee Balligubadle, ayaa munaasibad soo-dhoweyn ah oo loogu sameeyay halkaas, waxa hadal ka jeediyay Md. Cabdinnaasir Cumar Cilmi oo ku hadlayay afka shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL, isaga oo dhiirrigelin u hidiyay naadiga kubbadda cagta iyo guud ahaan ba cayaaraha.

Md. Cabdinnaasir waxa uu faahfaahin ka bixiyay adeegyada ay shirkaddoodu bulshada u fidiso, isaga oo hoosta ka xarriiqay doorkii mudnaa ee ay ka qaateen hirgelintii iyo kobcintii cayaaraha gobollada dalka.

“Somtel waxay jirtay muddo sannad iyo wax yar ah, waxqabadkeedana maanta cidna loo sheegi maayo. Iminka qof-qof ayaad u taqaannaan cayaartoyga gobolka Hawd, markii horena maydaan garanayn wejiyadooda. Waxa arrintaas idiin suurtagelisay SOMTEL. Hablaha Talowadaag ee maanta iyaguna lacagta soo gaadhsiiyay cayaartoyga gobolka Hawd, halka ay ka arkeen waa Telefishannada, waxaana u suurtogelisay shirkadda SOMTEL” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Md. Cabdinnaasir Cumar.

blankCabdinaasir waxa uu ku faanay in shirkaddoodu kor u qaadday guud ahaan sumcadda Somaliland, kaddib markii ay toos u soo tebisay cayaaraha Gobollada Somaliland. “SOMTEL waxay u ballanqaadaysaa dadweynaha gobolka Hawd, inay sannadka cusub ay heli doonaan adeegyada kala duwan ee ay shirkadda SOMTEL bixiso, haddii ay tahay adeegga Teleefanka oo kii qiimaha jabnaa ah, adeegga Internet-ka, Adeegga Ila-soo-hadal oo ah in adiga oo Mobile-kaaga haysta dunida oo dhan lagaala soo hadli karo qiime jaban”.

blankMd. Haybe Aadan Cabdi oo isaguna ka tirsan masuuliyiinta suuqgeynta ee shirkadda SOMTEL ayaa xafladda ka hadlay, isaga oo sheegay in shirkaddiisu ugu talogashay inay cayaartoyga degmadooda ku soo guryo-noqday guddoonsiiso lacag abaal-marin ah oo dhan $1,500 (Kun iyo shan boqol oo Doollar), si ay uga qaybqaataan dhiirrigelinta dhalinyarada.

Md. Haybe wuxuu lacagtaas guddoonsiiyay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo guddoomayay deeqaha ku socda cayaartoyga gobolka Hawd, isaga oo Xildhibaankuna lacagtaas ku wareejiyay cayaartoyga.

Haween taageersanaa xulka Gobolka Hawd ayaa iyaguna shahaado-sharafyo guddoonsiiyay maamulka Gobolka iyo shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, iyaga oo ku xusay taageeradii ay u fidiyeen xulka gobolka.

Madashan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa iyaguna ka qayb-qaatay qaar ka mid ah fannaaniinta Somaliland, iyaga oo munaasibaddaas ku soo bandhigay heeso kala duwan oo ka warramaya kaalinta gobolka Hawd ee qarannimada dalka iyo dhiirrigelinta cayaaraha.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories