HomeSomaliya oo Ka Hadashay Wadahadaladii u Dhaxeeyay Somaliland Halka Ay Ku Danbeeyeen

Somaliya oo Ka Hadashay Wadahadaladii u Dhaxeeyay Somaliland Halka Ay Ku Danbeeyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii hore Wasaaradda Garsoorka & Dastuurka Soomaaliya Md. Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Muqdisho ugu awood badan ayaa sheegay in aanay jirin wada hadalo u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo is taagay balse ay jiraan oo kali ah kuwii muuqday ee Turkiga oo hakad galay balse labada dhinac si weyn isugu xidhan yihiin oo ay jiraan xidhiidho u dhaxeeya Madaxda labada dhinac, Ganacsatada iyo culimada isaga oo sheegay in si weyn la isu dhex galay oo aanay jirin wax labada dhinac u dhaxeeya oo weyni lana midoobi dhawaan sida uu hadalka u dhigay.

 Faarax Cabdiqaadir oo lagu waraystay Wargayska  Xaqiiqo Times oo soo baxa Magaalada Muqdisho Soomaaliya, waxna laga waydiiyey halka ay ku dambeeyeen wada hadalladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in la kala mashquulay oo kali ah, qolo walibana ku mashquulsan tahay xaalado gudaheeda ah balse dadku sida kale isugu soo dhawaadeen oo aad isugu xidhan yihiin isaga oo tusaale u soo qaatay xidhiidhada sii kordhaya ee u dhaxeeya Siyaasiyiinta labada dhinac, Ganacsatada iyo Wadadaada ama culimada oo uu sheegay in isku xidhkaasi iyo isu soo dhawaanshahaasi muujinayo rajo uu sheegay in ay qabaan ka maamul ahaan oo ah in Soomaaliya ku midoobi doonto Xukuumadda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, sida uu masuulkani ku dooday.

Faarax Cabdiqaadir oo la sheego in uu ka mid yahay xubnaha ugu miisaanka culus Maamulka taagta daran ee Muqdisho fadhiya ahna ragga ugu awood badan ee mus-dambeedka u ah Madaxweynaha Villa Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dooday in xidhiidho hoose jiraan kuwaasi oo u dhaxeeya Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland iyo Soomaaliya sida Culimada iyo waliba ururada Bulshada, xidhiidhadaasi oo uu ku tilmaamay kuwo muujinaya isu soo dhawaansho aan hore u jirin dhawr iyo labaatankii sano ee ay meesha ka baxday xukuumaddii Kalidii-Taliye Maxamed Siyaad Barre, dhinacoodana arrinkaasi guul ka tilmaamayo maadaama ay u taagan yihiin in ay ka dhabeeyaan hammigooda ah in Soomaaliya mid ahaato.

“Wada Hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya arrimo farsamo ayay u hakadeen. Ma qabo in ay u joogsadeen is af garansho la’aan iyo khilaaf. Annaga xaggan (Somalia) waxa jira arrimo hoose oo mashquul na galiyay oo aanu ku hawlanahay, iyana (Somaliland) waxaad ka war qabtaa in ay ku jiraan xaalado kala guur ah oo ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin oo ay ku mashquulsanaayeen arrimo siyaasi ah oo la xidhiidha doorashooyinka dib u dhacay. Arrimahaasi ayaa keenaya in ay yar hakadaan wada hadalladii balse waxaan kuu sheegayaa umadda labada dhinac ee Soomaalida ahi aad ayay isaga soo dhawaadeen sidii ay hore u ahaan jireen. Waxaan ogahay in ay isku xidhan yihiin oo ay xidhiidhaan siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta maamuladu, waxa kale oo isku xidhan Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada, Ururrada Bulshada iyo ganacsatadu, taasina waa arrin tilmaamaysa in uu jiro hilaw iyo isu soo dhawaansho muujinaya in Soomaaliya mar dambe cagaheeda isku taagayso oo ay mid noqonayso” ayuu yidhi Faarax Cabdiqaadir oo barnaamijka Xaqiiqo Times ugu warramayay wariye Yuusuf Xasan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories