HomeSomaliweyn Way Kala Leedahay Dalalka

Somaliweyn Way Kala Leedahay Dalalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankQalinka Ibrahim Hassan Gagale

Dad badan ayaa la yaabay ama ka xumaaday markii dhawaan Sucaad Carmiye dood ka sheegtay in Afarta kale ee Somaliyeed ay Somaliland ka yihiin AJANEBI. Sucaad waa sax. Bal hadda eeg dalalka Carabta ah ee ku qoran maaamka hoos ka muuqda. Dhammaan dalalkaas waxay ka xoroobeen gumaysi marka laga reebo Falastiin.

Sida Somalida, Dalalkan Carbeed waa isku Diin, Af, Dhaqan, caado iyo midab. Qaranimada iyo aqooonsiga dalkasta oo dalalkan Carbeed ka mid  ah waxay ku salaysantahay xuduuudii u gumaysigu qayday.

Qofka u dhashay dal Carbeed oo gaar ah ma tegikaro dal kale oo Carbeed isaga oo aan sharci ku soo gelin waayo waxaa uu ka yahay Ajanebi. Tusaale, ninka Reer Jordan ah ma gelikaro dalka Masar hadddii aanu ku soogelin Baasaboor iyo Fiise Sharci ah sababta oo ah waxaa uu ka yahay Ajanebi. Xataa jago kama qabankaro Masar sababta oo ah maaha muwaadin Reer Masar ah. Dhammaan dalalkan Carbeed waxaa midkastaba midka kale ka yahay Ajabeni.

Somaliduna waa sidaas oo kale in kasta oo ay yihiin isku Af, Diin, dhaqan, caado iyo midab. Ma jirto waxay ku kala duwanyihiin Somalida iyo Carabta. Sidaan Carabweyn loogu gelikarin dalkasta oo Carbeed ayaan Somaliweyna lagu gelikarin dalkasta oo Somaliyeed. Qofka u dhashay Jabuuti, Somalia, Waqooyi Bari Kenya iyo Somali Galbeed waxa ay Somaliland ka yihiin Ajanebi sababta oo ah uma dhalan, markaas waa inay ku galaan sharci. Midkastana waa sidaas oo kale oo Jabuuti iyo kuwa kaleba waxaa lagu galaa sharci marka laga reebo Somalia oo noqotay dal aan la kala lahayn iyo raq qofkastaba cuno hilibkeeda. Maxay Somaliland iyo Somalia uga duwanyihiin Somalida kale? Ma jirto waxay uga duwanyihiin sababta oo ah midna waxaa gumaysanjiray Ingiriis, midka kalena waxaa gumaysanjiray Talyaaniga.

Dadkii ku mamay Somaliland 30kii sano ee ay ku jirtay midnimo ku-sheegii laga dhaxlay dulmiga, xasuuuqa iyo iska-horkeenka ayaa maantana raba inay xukumaan kana maalaystaan dhul ama dal aanay u dhalan. Haddii aan Somalia la kala lahayn, dalalka kale ee Somalida waa la kala leeyahay. Masar iyo Suuuriya ayaa midoobay sannadkii 1958 waxayna la baxeen “Jamhuuriyadda Carabta” waxayna kala tageen, sida Somalia iyo Somaliland, sannadkii 1961. Figradda Somaliweyn waxay la mid tahay Carabweyn lamana garanayo samanka ay rumoomibidoonaan.

Ibrahim Hassan Gagale
February 25, 2020

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories