HomeSOMALILAND:Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo Heshiis la Gashay Shirkad Shidaal-baadhis ah

SOMALILAND:Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo Heshiis la Gashay Shirkad Shidaal-baadhis ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa heshiis shidaal baadhis ah la saxeexatay shirkad lagu magacaabo ANSAN WIKFS oo  laga leeyahay dalka Yemen taas oo sida la sheegayna ka hawl gasha wadamo badan oo caalamka ah.
Xaflad heshiikaas lagu saxeexayay oo lagu qabtay xarunta wasaarada tamarta iyo macdanta Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka tisan xukuumadda, Gudoomiyaha guddiga hoosaadka khayraadka ee Golaha Wakiilada, saraakiil ka tirsan
wasaarada iyo maamulka sare ee shirkadaasi.
Heshiiskaas dhinaca Xukuumadda Somaliland uu u saxeexay Wasiiirka Tamarta iyo Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, halka dhinaca shirka ANSAN WIKFS ay u saxeexeen Gudoomiyha Shirkadaasi Mr Shahad Cabdu Haak iyo ku xigeenkiisa Mr Hashiim Al Malaki.
shidaalEng Xuseen Cabdi Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay aad u soo dhawayanayaan fursadan maal-gashi ee lagu baadhayo shiidaalka dalka, taas oo uu tilmaamay in ay aad ugu faraxasan yihiin isla markaana Golaha
Wasiirrada Somaliland ay ansixiyeen heshiiskan maanta la soo gunaanday dhamaystirkiisa bishii August ee sanadkan.
Wasiirku waxa uu intaas ku in shirkada ANSAN ay tahay shirkad caalami ah oo meelo badan oo adduunka ay ka shaqayso
isalamarkaana ay ka hawl-gali doonto sedexda bog-cadood ee lamabaradoodu kala yihiin 19, 14 iyo qeyb ka mid bogcada lagu
magacaabo Todoabaad kuwaas oo dhammaantoodu ku yaala gobalada barri ee Somaliland.
Wasiirku waxa uu xafladaasi ka sheegay in shirkada ANSON WIKFS ay bixisay lacag dhan milyan iyo sideed boqol oo kun oo dolar oo ah lacagta loo yaqaan xaqalka qalinka, taas oo si toos ugu dhacaysa qasnada dawladda islamarkaana xukuumaddu u qoondaysay in lagu horumariyo deegaamada laga baadhayo shidaalka ee shirkadu ay ka hawl gali doonto.
Gudoomiye ku xigeenka shirkada ANSAN WIKFS Mr Hashim Al Malaki oo ku hadlayay magaca shirkadda ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan heshiiska ay la saxeedeen Somaliland islamarkaana ay ku dedaalayaan sidii ay uga midho dhalinayaan mashruucaasi baadhista shidaalka ah isagoo tilmamay in ay addeegsan doonaan qalab casri ah.
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryayanta Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Gudoomiyha Guddi hoosaadka
kheyraadka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo si wada jir ah uga hadlay heshiiskaasi ayaa tilmaamay in ay soo
dhawaynayaan heshiiskaasi kaas oo ah fursad maal gashi oo dalka u soo hoyatay waxaanay intaa ku dareen in ay shacbiga Somaliland gaar kuwa dega gobolada bariga ee laga baadhi doono shidaalku in ay la shaqeeyaan hawl wadeenada shirkadda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories