HomeXukuumadda Somaliland oo Weftigii ugu tirada badnaa u dirtay dalka Itoobiya iyo...

Xukuumadda Somaliland oo Weftigii ugu tirada badnaa u dirtay dalka Itoobiya iyo Ujeeddada Socdaalkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wefti shan xubnood ka kooban oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, u dirtay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kuwaasi oo shalay gaadhay magaaladda Jig-jiga si ay wada hadallo ula soo yeeshaan dawladaas.

Weftiga Wasiirka Khaarajiga waxa  xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).

weftigaWeftigan waxa  ka sii galbiyay magaaladda xuduudeedka Wajaalle ee gudaha Itoobiya, Wasiirka Ganacsiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shirre oo ka hadlay ujeedada booqashadooda magaaladda Jig-jiga, ayaa sheegay in uu la xidhiidho sidii ay uga wada hadli lahaayeen dawladda deegaanka qoddobo ku saabsan iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

“Socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhaa hawlo shaqo oo  ku wajahan iskaashigii hore nooga dhaxayn jiray Somaliland iyo dawladda Kililka shanaad. Booqashadayadu waxay qaadan doontaa muddo laba maalmood ah,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay inay iska kaashadaan dhinacyadda ammaanka iyo dhaqaalahaba.

Dhinaciisana waxa weftigan soo dhaweeyay oo illaa Jig-jiga u sii galbiyay Wasiirka Ganacsiga dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yihiin safarka weftiga xukuumadda Somaliland. “Waxaanu ku faraxsan nahay inaanu dalkoodii labaad ku soo dhaweyno weftiga xukuumadda Somaliland ka socda oo uu naga dhaxeeyo  cilaaqaad wanaagsan oo dhinac walba ah.

Geesta kalena, tibaaxo aanu ka helay  ilo wareedyo  looga qaateen ah, ayaa sheegaya in wada hadallada ay Jig-jiga ku yeelanayaan weftiga Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya culayska lagu saari doono dhinaca ammaanka, gaar ahaan ciidammada Liyuu booliska deegaankaas oo gudaha u soo galay dhawaan Somaliland gaar ahaan degmadda Bali-dhig, waxa kale oo lagu wadaa in wada xaajoodkan lagu soo daro dhacdadii lagu laayay dad badan oo shicib ah deegaanka Jaamac Dubad ee degmadda Daroor.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories