HomeSomaliland: Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Xubno lagu tuhmay Jabhad la sheegay in...

Somaliland: Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Xubno lagu tuhmay Jabhad la sheegay in laga aasaasay Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee Somaliland isla-markaana ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in Jabhad cusub laga aasaasay Gobolka Awdal.

Xildhibaanka oo Maanta ka hadlay Xarunta Golaha Guurtida oo ay ka socotay dood ku saabsan Nabadgalyada Dalka ayaa sheegay in Toddobaadkii hore markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Safarka ugu sii jeeday Magaalada Borama oo uu kaga qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta ee ka dhacday Jaamacadda Camuud ay halkaa timid Jabhad laga sameeyay Awdal, balse ay Ciidammada qaar ka mid ah qabqabteen illaa haddana ay xidhan yihiin, sidaasi darteedna wuxuu soo jeediyey in wax laga qabto arrintaasi, siyaasadda guud ee Gobolka Awdal-na dib loo eego.

“Anigu waxaan ka imid Gobolka Awdal, Gobolka Awdal waxa ka jira dhibaatooyin badan, dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah, waakii Madaxweynuhu noo yimid, Qolo Jabhad ah oo la keenay waanu ka kaxaynay meeshii, waxna waanu ka qabanay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Xildhibaanku oo uu soo jeediyey “Laakiin, weli may hadhin Xanaftii, qaar baa xidhan baa la leeyahay intaan ka soo maqnaa, markaa sida kale Nabad-bay u ahayd (Gobolka Awdal), laakiin mar kasta xagga galbeedka ayay wax ka imanayaan, markaa in Tallaabo laga qaado ayaa fiican Gobolka..”

Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre wuxuu sheegay in siyaasadda Dadka reer Awdal qaarkood ay wadaan ay wax yeelayso Dalka guud ahaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto “Siyaasadda Awdal, Dadka qaarkii waxay wadaan Dalka ayay waxyeelaysaa, markaa waa in wax laga qabto..” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Source: HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories