HomeSomaliland: Xukuumadda oo soo bandhigtay Buug koobsanaya Xogta Rasmiga ah ee Qaranka

Somaliland: Xukuumadda oo soo bandhigtay Buug koobsanaya Xogta Rasmiga ah ee Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay Buug lagu ururiyey Xogta Qaranka JSL, kaas oo wax weyn ka tari doona fahamka ummadaha caalamka ee khuseeya Somaliland.

Munaasibad magaalada Hargeysa loogu qabtay Daah-furka Diiwaanka Rasmiga ah ee Xogta Qaranka JSL, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiiro xukuumadda ka tirsan, Aqoonyahan, dibloomaasiyiin iyo wakiiilo ka tirsan Dalalka caalamka iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa sheegay in Buuggu ka turjumayo xogta Qaranka Somaliland isla markaana ay adeegsan karaan cid kasta Somaliland xog uga baahan sida wadamada Caalamka iyo Hay’adaha caalamiga, iyadoo Buuggu xog waafi ah ka bixinayo Dadka ku dhaqan Somaliland, bedka iyo Xuduudaha Dhulka, Badda, Cirka, Cimillada iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Maaliyada Dr Sacad Cali Shire, Biyaha iyo Dr. Adna Aadan Ismaaciil, oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ka waramay ahmiyada uu Buugani u leeyahay Qaranka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa isagu dhankiisa waxa uu dhiirri-geliyey in xogta ku duugan buuggan si taxane ah looga baahiyo warbaahinta Online-ka ah ee Internetka si macluumaadka ku saabsan Somaliland u yeelato tixraac ay xigan karaan Dowladaha, warbaahinta iyo hay’adaha Caalamka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in buugan lagu soo ururiyay xogaha ugu muhiimsan ee Qaranka Somaliland iyadoo Buugaasina lagu faafin-doono dalka oo dhan iyo wadamada Caalamka isaga oo inaga anfacaya cid kasta oo u baahan in ay xog ka hesho Somaliland sida wadamada kale ee Caalamka, iyo Hay’adaha.

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee dawladda ku dhiiri geliyay in ay qayb ku yeeshaan kuna soo bandhigaan xogohooda muhiimka ah.

https://www.youtube.com/watch?v=1i7gNod4k_s

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories