HomeSomaliland: Xukuumadda oo Siidh Waddani ah u Qaybinaysa Beeralayda Dalka

Somaliland: Xukuumadda oo Siidh Waddani ah u Qaybinaysa Beeralayda Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa diyaarisay Siidh gudaha dalka lagu beeray oo loo qaybinayo dadka beeralayda ah, maaddaama oo la guda-galay xilliga Gu’ga ee ay bilaabmayaan qodista Beeraha.

blankQorshahan oo daba socda ballan-qaad ay hore u sameeyeen Wasaaradda Horumarinta beeraha oo meesha ka saaraysa in dalka laga beero Siidh dibadda laga keenay ama hay’aduhu ku caawiyaan beeralayda si aanu u min-guurin saraca dalku, ayaa toddobaadkii u dambeeyay laga shaqaynayey sidii loo diyaarin lahaa qoys walba inta Kiiloo ee loogu talo-galay.

Hawsha diyaarinta oo toddobaadkii u dambeeyay ka socotay xarunta wasaaradda beeraha ee deegaanka Abuuriin, ayaa Khamiista Maanta la soo gebo-gabeeyay, waxaana loo diyaar-garoobayaa sidii loo qaybin lahaa Siidhadhkaasi oo isugu jira noocyada Hadhuudhka iyo Galayda.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Qoys walba oo Beerlay ah la siin doonaa 13-Kg oo Hadhuudh ah iyo 8-Kg oo Galey ah, iyadoo Siidhkani yahay mid waddani ah oo gudaha dalka lagu farsameeyey.

Agaasimaha waaxda cilmi-baadhista ee wasaaradda beeraha Somaliland, Cali Cabdillaahi Ibraahim oo gacanta ku haya hawsha diyaarinta Siidhka ayaa warbixin kooban ka bixiyay halka ay wax u marayaan.

“Hawshani waxay daba socotaa ballanqaadkii wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ee ahaa in wakhtiga Gu’ga beeraleyda lagu caawiyo Shini tayo leh oo waddani ah,” ayuu yidhi Agaasimuhu, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay, “Waxaanu diyaarinay Shini isugu jirta Galey iyo Hadhuudh, iyada oo qofkiiba la siinayo 13-kilo garaam oo hadhuudh ah iyo 8-killo garaam oo Galley ah. Waxaana loo qoondeeyey in la gaadhsiiyo gobollada Maroodi-jeex, Sanaag iyo Buuhoodle, waana Shinni Waddani ah oo caafimaad qabta, waxaana laga maalgeliyey Cashuurta dalka.” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories