HomeSOMALILAND: Xukuumadda oo shaacisay Qorshaha ay ku Waajahayso Shirweynaha Qaran ee Axsaabta...

SOMALILAND: Xukuumadda oo shaacisay Qorshaha ay ku Waajahayso Shirweynaha Qaran ee Axsaabta Mucaaradku qabsoomiddiisa ku baaqeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
CALI MAXAMED WARANCADE
CALI MAXAMED WARANCADE

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Axsaabta Mucaaradka ah uga digay qabashada shirweyne Qaran oo sharciyadda uu ku imanayaa baal-marsan tahay ujeeddooyinka laga leeyahay, isaga oo ku dooday in madaxweynaha oo kali ahi xaq u leeyahay go’aaminta shir noocaas ah.

Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyay waday dhaq-dhaqaaqyo ay ugu diyaar-garoobayaan qabashada shirweyne ay ugu magac-dareen Aayo-ka-tashi Qaran, kaas oo loo muddeeyey 10-ka bisha December, ka dib markii siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo iska lahaa hindisidda ku-dhawaaqistiisa, ay axsaabta mucaaradka ku wareejiyeen qabashadiisa, ka dib markii ay sheegeen in xisbiyadu sharci ahaan kaga habboon yihiin iyada (Madasha) Shirkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa maanta gelinkii dambe, ayaa ku hanjabay inaanay xukuumad ahaan ogolaanayn qabsoomidda shirkaas iyada oo aan fasax laga haysan hay’adaha ku shaqada leh.

“Runtii Xisbiyadu waxa ay naga mudan yihiin qadarin, waxaase meesha yaala sharci ay umadani dhigatay oo lagaga hortagayo in anaanay iman wax is qabqabsiya ama muran ah, taasoo ay tahay inay cid waliba ixtiraamto,” ayuu yidhi Wasiirka Waran-cadde, isaga oo intaas ku daray, “Haya’daha qaranku waxa ay kala leeyahiin awoodo iyo shaqooyin u kala qeexan oo distuuri ah, haddii la yidhaahdo Shir Qaran ayaa la qabanayaa, cidda kali ah ee Umadani doortay ee awooda u leh waa madaxweynaha Dalka, oo waliba ah marka ay yimaadan dhibaatoyin u baahan in laga wadatashado dhammaan Qaranka Somaliland yar iyo weynba, taasina dalkeenu waxaa uu ku sugan yahay nabad, waxa dhibaata ah oo jiraana ma jiraan maanta madama oo aan ahay wasiirkii Arimaha gudaha, dhamaan dadku waxaa uu ku soo toosay 99% nabad iyo daganaansho.”

“Anigu ma qabo hadayna balaayo kale jirin wax dhibaato ah oo madaxweynahu iskugu yeedho shir qaran, cidkale oo awood u lehina habayaraatee ma jirto. Axsaabtu haddii ay wax tabanayaan ama ay warar hayaan, waxba kama qabno inaan u yeedho oo anu ka wada hadalno,waxii dareen ah ee Jira,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Arrimaha Guduha waxa uu u digay Cid kasta oo baal-marta Shuruucda iyo kala-dambaynta maamul ee dalka, “Waxaase reeban in aanay cidina ku xad gudbin sharciga dalka u yaala, taasina kama filaayo asxaabta maanta joogtaa , qaar waxgarada weeyi ,oo kumana fikiri karaan wax aan ahayn sharciga dalka u yaala. Wixii kale ee loo baahan yahay anagu haddaanu nahay dawlada axsaabta qaranka waanu wada hadalnaa, wixii Ra’yi ahna way noo soo gudbiyaan shirarbaanuna qaadanaa,” ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde, waxaanu intaas raaciyey, “Waxa ay xaq u leeyahina waa in xisbi kastaaba uu shir qabsan karo oo uu Danihiisa iyo mustaqbalkiisa kaga hadli karo kaas oo ay xaq u leeyahiin, dawladda iyo madaxweynaha qarankuna isaga ayaa xaq u leh inuu u yeedho shirweyne Qaran hadii loo baahdana uu qaban karo.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan axsaabta siyaasadda kala hadlayaan go’aanka ay shaaciyeen si loo baajiyo qabsoomidda shirkan. “Sidaas awgeed waxaan jeclahay inaan Axsaabtana u yeedho oo aan kala hadlo hawlahaas ay ka hadleen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, ayaa todobadkan siyaabo kala goon-gooni ah u magacaabay Guddiyo ka hawl-gala qaban-qaabada shirweynahaas.

Dhinaca kale, iyada oo muddo Afar maalmood ahi ka hadhsan yihiin wakhtiga ay mucaaradku u cayimeen Shirweynaha Qaran, ayaa haddana waxa  maanta dalka ka dhoofay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo la sheegay inuu u socdaalay dalka Turkiga oo uu kaga qayb-gali doono Shir Caalami ah oo lagu marti-qaaday, sida lagu baahiyey mareegta Xisbigu ku leeyahay barta Internetka.

SOMALIALNDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories