HomeSomaliland: Xukuumadda oo Qaylo-dhaan ka dirtay Xaalad abaareed oo ka taagan Degmada...

Somaliland: Xukuumadda oo Qaylo-dhaan ka dirtay Xaalad abaareed oo ka taagan Degmada Ballicabane

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa (SLpost)- Abaaro saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba, ayaa ka jira deegaanno hoos-yimaadda Degmada Ballicabane ee gobolka Hawd, waxaana dhibaatada abaartu ku hayso dadka iyo xoolaha indhihiisa ku soo arkay Sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeer indho-indhayn ah ku maray deegaamadaas.

bali cabaneCali Xaaji Cabdi (Cali Yaanbo) oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay heerka abaarta iyo saamaynta ay dadka xoolo-dhaqatada ah ku yeelatay isagoo Kormeer ku soo Maray Jiido door ah oo ka Tirsan Degmadda Balli Cabane ee Gobolka Hawd.

Cali Yaanbo oo Warbaahinta Maanta u Waramay ayaa Sheegay in Jiidaha hoos taga degmadaasi ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo Saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyadda.

Waxa uu Sarkaalkani Xusay in Deegaanka Balli Cabane oo Koobsada deegaamo door ahi ay ku soo hayaameen Xoolo dhaqato tiro badan taasina ay keentay inuu idlaado daaqii iyo Biyihiiba,Waxaanu ka dayriyey in Hadii Xaaladan Wax laga qaban waayo ay saamayn togan ku yeelanayso Nolosha Bulshada Deegaankaas oo u badan Xoolo dhaqato iyo beeralay.

Cali Xaaji Cabdi Waxa uu intaas ku daray in Sidoo kale Degmada Balli Cabane ay ka aradan tahay adeegyada aasaasiga ah ee Nolosha bulshada Sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo Wixii la hal maala taasina ay ka dhigtay degmada mid ka danbaysa degmooyinka kale ee waddanka.

Cali Yaanbo waxa uu ugu baaqay Hay’adaha dawladda ee ay arrintani Khusayso inay Xil iska saaraan Wax la qabashada Bulshadda ku dhaqan degmadda Balli Cabane.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories