HomeSomaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Haad Dad Cun Ah

Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Haad Dad Cun Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay Gorgor la sheegay inuu Carruur ku cunay, qaarkoodna ku cunay deegaano ka mid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo Maalmihii u dambeeyayna lagu sheegayey deegaannada Somaliland.

Shimbir loo malaynayo inuu yahay Gorgorka waaweyn oo Dad cun noqday ayaa bishan Gudaheeda Hal Qof oo Carruur ah ku cunay deegaan ku dhow Gaashaamo oo ka mid ah Gobolka Soomaalida Itoobiya, waxaanu dhaawacay laba kale.

Shimbirkan oo Maalmihii u dambeeyay lagu sheegayey meelo ka mid ah Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Saxaafaddu waydiisay waxay kala socdaan Shimbirkan Dad Cunka ah, ayaa sheegtay inay xidhiidh arrintan kala sameeyeen Dawladaha Caalamka, baadhitaana wadaan.

Wasiir Shukri oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Waa wax innagu soo kordhay oo cusub (Haadka Dadka Cunayaa), weli baadhitaan ayaanu ku maqanahay oo caalamka ayaanu la xidhiidhnay, meelo badan oo aanu la xidhiidhnay waxbay ka soo sheeg-sheegayaan.”

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay “Shimbiraheena way naqaanaa, Shimbiraha Adduunkana boqolkiiba sagaashan waalla garanayaa way diwaangashan yihiin, sida Bani-aadamka uu Ilaahay inba meel ugu abuuray ayuu Shimbiraha inba meel ugu abuuray, waynu naqaanay ama Tuke aynu nidhaahno ama aynu Haad nidhaahno ama baqaye ha ahaado ama Xuunsho ha ahaato.” ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray “Dalka Itoobiya Xuduud dheer baynu wadaagnaa, had iyo jeer xuduudkaa wax badan baa ka soo gudba, inta badana xayawaanku dhanka Itoobiya ayay ka soo gudbaan.”

Wasiir Shukri waxa kale oo ay Carrabka ku dhufutay in shimbirka dad Cunka ah ay saamaysay Isbeddelka Cimiladu “Isbeddelka Cimiladu inay saamaysay ayaa laga yaabaa oo wuxuu cunayey uu waayay, marka Magaalooyinka oo kale ku fidaan ee dhirta la jaro ee uu waayo meel uu ku dhalo wuxuu noqonayaa Haad geed waayay…”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Qorshaha Wasaarad ahaan nooga yaallaa waa inaanu Dadka Wacyi-gelino oo aanu nidhaahno iska jira.”

Wasiirku waxa kale oo ay si kaftan ah u sheegtay “Malaha innagana farriin baa la inoo soo dirayaa (oo la leeyahay) Carruurtii yaryarayd iyo Dumarkii aynu Adhiga u diraynay ayaa la leeyahay Raggiiyoow ku noqdo oo reerihii ilaaliya, inta Makhaayad la joogo. inaynu ducaysanana way tahay, Waayo? Dad Muslim ah ayaynu nahay,”ayay sheegtay Wasiirka Deegaanka ee Somaliland.

@HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories