HomeSomaliland: Xukuumadda oo joojisay Booqashada Maxaabiista ku xidhan Jeelasha iyo Duruufaha ku...

Somaliland: Xukuumadda oo joojisay Booqashada Maxaabiista ku xidhan Jeelasha iyo Duruufaha ku g

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa gebi-ahaanba joojisay booqashada loogu tago maxaabiista ku xidhan Xabsiyada dalka sababo la xidhiidha xaaladda xannuunka Covid-19 oo xilligan si xooggan ugu faafaya dalka.

Qoysaska ay ka dhasheen Maxaabiista ku xidhan Jeelashada dalka, ayaa loo oggol yahay inay toddobaadkii maalinta Jimcaha booqasho ugu tagaan maxbuuska ka xidhan si loogu geeyo Raashin iyo nafaqo dheeraad ah si loogu kaabo raashinka xabsiga loogu sameeyo saddexda wakhti oo nafaqo ahaan aan dabooli karin cuntada dheeliga tiran ee jidhka bani’aadamka u baahan yahay.

blankWasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in ay joojiyeen dadkii booqashada ku tagi jiray maxaabiista ku jirta 14-ka Xabsi ee ka jira dalka si maxaabiista Jeelasha ku jirta looga xakameeyo faafitaanka safmarka ah Covid-19 oo labadii bilood ee u dambeeyey dad badan soo ritay, qaar kalena ugu geeriyoodeen gobollada dalka.

Waxa uu wasiirku sheegay inay go’aanka lagu joojiyey booqashadada maxaabiista kala kaashanayaan Taliyaha ciidanka asluubta iyo saraakiishiisa is-dhaafintii maxaabiista Xabsiyada dalka, si looga hortago faafitaanka xannuunka Covid-19, isla markaana Xabsi kasta Maxaabiistii ku jirtay uun laga hawl galay sidii loogu filaysiin lahaa.

“Dalku waxaa uu leeyahay 14-jeel oo shaqeeya, maxaabiis tiro badan ayaa ku jirta, ciidamada laf ahaantoodu gacanta ayay ku hayaan, markii uu xannuunka iyo cabsidiisii soo laba kaclaysay, annaga oo iskaashanayna taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka asluubta talaabooyin badan ayaanu qaadnay.

waxaa aanu joojinay dhammaan booqashooyinkii loogu tagi jiray maxaabiista, sababta oo ah dadka maxaabiista booqanaya waxaa ay ka yimaaddaan gobollada dalka iyo meelo kale oo kala duwan, dhammaan waxaa aanu joojinay booqashooyinkii sidaas oo kale ahaa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda oo maanta la hadlay warbaahinta qaarkeed.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay u direen kooxo caafimaad oo baadha bad-qabka Maxaabiista ku xidhan Jeelasha iyo agabka lagaga hortago faafintaanka safwarka Covid-19, waxaanu yidhi, “Waxaa jira koox ka kooban lix xubnood oo aanu u dirnay dhammaan gobollada dalka oo dhan oo Xabsiyada oo dhan soo maray, isla markaana gaadhsiiyay qalabkii lagaga gaashaamanayay, sida af xidhkii, faraxalkii iyo daawooyinkiiba, waxaanay warbixin ka soo sameeyeen xaaladda maxaabiista oo laga war haya dhammaan xaalada ay ku waabariisatay Maxaabiistu”.

Waxa kale oo uu Wasiir Saleebaan ka hadlay tallaabooyin muhiim u ah badbaadada Maxaabiista Jeelasha ku xidhan oo ay ka wasaaradd ahaan qaadeen waxaanu yidhi, “Waxaa kale oo ka mida tallaabooyinka aanu ku tallaabsanay ee ciidamada asluubta aanu isla kaashanay in Maxaabiista la kala durkiyo oo Jeelasha la isu miisaamo. Jeelasheenu waxay isugu jiraan kuwa dhammaaday oo la dhisay, kuwa la dayactirayna waa leeyihiin, kuwa dayactir u baahana waa leeyihiin. Maxabiista la soo xidhayo ee muwaadiniin iyo ajaaniba leh iyo Xabsiyadeenu waa kala culus yihiin.”

“Sidaasi darteed waxa aanu ku dadaalnay in xataa Maxaabiista la kala durkiyo, la kala yareeyo, Jeelasha la isu miisaamo, iyada oo aanu hadda jiraynin isu-baddelkii Maxaabiista ee ahaa Xabsi ilaa Xabsi, balse Xabsi kasta gudihiisa in fursado la kala siiyo Maxaabiista ayaanu ku dadaalnay, waana wax aanu is leenahay halagu yareeyo faafitaanka xannuunkani,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha Xabsigii dhaqan celinta carruurta ee Mijacaseeye, dhawaana ay bilaabayaan sidii carruurta Jeelasha ku xidhan looga soo saarilahaa ee loo gaynlahaa Xabsiga Mijacaseeye, si ay u sii wataan geedi socodkoodii waxbarasho.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories