HomeSomaliland: Xisbiyada Mucaaradka oo lagu dhaliilay inay gaabiyeen Ololaha Aqoonsi-raadinta

Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka oo lagu dhaliilay inay gaabiyeen Ololaha Aqoonsi-raadinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Finland, Saamiya Muuse, ayaa xisbiyada Mucaaradka ugu ku dhaliishay inay ka gaabiyeen Ololaha Aqoonsi-raadinta ee Somaliland.

Danjire Saamiya Muuse waxa ay Xisbiyada Mucaaradka ah ugu baaqday inay ka shaqeeyaan kor-u-qaadista Qadiyadda Somaliland oo ay muujiyaan doorkooda kaga aaddan Aqoonsiga Somaliland ka raadinayso Beesha Caalamka.

blank“Annagu Xafiis ahaan waan ku dedaalnay inaan isku xidhno jaaliyadda, laakiin labada Xisbi Mucaarad hogaamiyeyaashoodu oo lagu tiriyo inay dalka ka soo jeedaan way ka gaabiyeen inay xoojiyaan Qadiyadda Ictiraafka,” Sidaas ayay tidhi Saamiya Muuse oo u warrantay Telefishanka BushoTv.

Waxa ay Wakiilka Findland sheegtay in xafiiskeedu kaalin mug leh ka qaato horumarinta siyaasada arrimaha dibedda ee Wasaaradda Khaarajiga Somaliland isla markaana wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin xukuumada Finland.

“Mudaddii aan joogay xafiiska JSL ee Finland arrimo badan oo xoojiyey magaca Somaliland ayaan gaadhnay. Waxaan kaalin la qaadanay arrimaha ka socda dalka Finland, si xidhiidhka labada wadan u kobcino,”sidaas ayay tidhi Saamiya Muuse, waxaanay hadalkeeda sii raacisay, “Jaaliyada kale jooga Finland maalinta xuska Qaranimada dalalkooda wadajir ayey u xusaan khilaaf kasta ama xisbi kasta ay taageeraan, balse jaaliyadda Somaliland sidaa maaha umana midoobaan xuska Qaranimadooda, taasina waxay u baahan tahay inay ka koraan, xisbiyada mucaaradkuna ku booriyaan taageerayaashooda caalamka inay qaranimada dalka oo dhamaan la wada leeyahay u midoobaan.”

Marwo Saamiya Muuse waxa ay ku dhaliishay Qurbajooga dibeda gaar ahaan dalka Finland inay ka gaabiyeen qadiyadda ictiraaf raadinta dalkooda oo aanay la mid ahayn jaaliyadaha kale oo danta guud ee dalkooda u midooba.

“Qurbajooga dalka Finland way ka gaabiyeen qadiyada Dalkooda Somaliland horumarinteeda. Hadday yihiin xisbiyada Mucaaradka dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland waxay ahayd inay kaalin ka qaataan oo taageerayaashooda ku booriyaan,” ayay tidhi Saamiya Muuse.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories