HomeSomaliland: Xaaladda Xuquuqda Bani'aadamka iyo Xorriyadda Hadalka oo Dayro laga muujiyey

Somaliland: Xaaladda Xuquuqda Bani’aadamka iyo Xorriyadda Hadalka oo Dayro laga muujiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa walaac ka muujisay xaalada xuquuqda Aadanaha ee Somaliland, sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta oo ku beegan 71-guurada maalinta Xuquuqda Aadanaha Adduunka.

Xarunta Xuquuqal Insaanku (HRC) waxay sheegtay in sanadkan 2019-ka ay diiwaangalisay xadhiga 88 qof oo loo xidhay kiisas la xidhiidha xoriyada fikirka oo ay ku jiraan 29 suxufi iyo 57 qof oo aan suxufiyiin ahayn.

blank“Wakhti xaadirkan Tifaftiraha Telefishanka Horn Cable TV, Cabdikadir Suleiman Oman ayaa xabsiga ku jira oo wajahaya eedo ay ku jiraan Fidinta Dacaayado Qaranka ka dhan ah, Baahinda Warar Been Abuur iyo iska dhagamarinta amaro dawladda ka soo baxay, sidoo kale waxa ku jira eedaha loo haysto Tifaftiraha HCTV baahinta war ku saabsanaa warqad cabasho ah oo shirkadd diyaaradeed ay kaga cabatay in la siiyey warar iska horimanaya xili ay soo dagaysay,” sidaas aa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo ku qornaa Afka Ingiriisiga.

Sanadkan waxa kale oo albaabada loo laabay Xarumo Warbaahineed oo ay ka mid yihiin Foore, Horyaall 24 TV iyo  Eryal Tv, kuwaas oo bileysku ay ku xidheen warqad Wasiirka Warfaafintu uu soo saaray, halka Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay amartay in la xayiro shabakada wararka ee Hadhwanaag News oo baahisay maqaalo ka hadlayey eedo musuqmaasuq oo ku wajahnaa gudoomiyaha bangiga dhexe, waxaanay maxkamadu amarkaasi ay ku dhaqaaqday iyadoo aan la dhagaysan dhinacyada. Saddex wariye oo ka tirsan Hadhwanaag News ayaa xabsiga loo taxaabay, kadibna waxa lagu sii daayey damiin, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku.

Dhinaca kale waxa 17-kii November la xidhay saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay ku jiraan Afhayeenka xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha Xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi.

@HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories