HomeSomaliland: Wefti ka socda Dowladda Maraykanka oo Hargeysa soo gaadhay

Somaliland: Wefti ka socda Dowladda Maraykanka oo Hargeysa soo gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Wefti Miisaan Culus oo ka socda Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ee dalka Maraykanka, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftiga ka socda dowladda Maraykanka ayaa ka kooban Afar xubnood oo isugu jira Laba Mudane oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Odayaasha, kuwaas oo uu xubin ka yahay murashaxii hore ee Jagada madaxtinimada dalka Maraykanka Lindey Graham oo ah Senator ka tirsan Congress-ka Maraykanka, sida aanu ka soo xigannay qoraal uu bartiisa Twitter ku baahiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

Weftiga oo ah kii ugu heerka sarreeyey ee dowladdda Maraykanku u soo dirto Geeska Afrika muddo 10 sanno, ah sida uu sheegay Brian Stelter oo ah wariye ka tirsan warbaahinta CNN, ayaa ah mudneyaal ka tirsan Guddiyada Xidhiidhka arrimaha Dibada ee Goleyaasha Congress-ka iyo Senate-ka ee Maraykanka oo ay weheliyaan Guddida Ilaalinta Xidhiidhka Dibadda, La-taliyayaal sarsare iyo sida oo kale qareenno sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka.

Weftiga ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo sida oo kale muddada ay joogaan booqan doona goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Berbera.

Socdaalka weftiga xildhibaannada Maraykanka ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo Xaqiiqo-raadin ay ugu kuur-galayaan xaaladaha dhabta ah ee Somaliland, kaddib markii mid ka mid ah Xarumaha lagu jaan-gooyo arrimaha siyaasadda dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Heritage Foundation oo lagu soo bandhigay warbixin dowladda dalkaas ugu baaqaysa inay wax weyn ka beddesho siyaasaddeeda mandaqadda Geeska AFrika isla markaan ay indho-gaar ah u eegto Jamhuuriyadda Somaliland oo xilligan bartilmaameed u ah quwadaha adduunka oo caddeeyey sida ay u danaynayaan xidhiidho iyo heshiisyo ay la yeeshaan Somaliland oo ay u arkaan inay ku taallo ubucda dhulka ugu istaraatajisan mandaqadda Geeska Afrika.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories