Home“Somaliland Waxay U Dabran Tahay 400 Oo Qof.Waa Loo Kordhiyee, Doorasho ma...

“Somaliland Waxay U Dabran Tahay 400 Oo Qof.Waa Loo Kordhiyee, Doorasho ma Dhacaysaa?” Jamaal Cali Xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Dalka Somaliland wuxuu u dabran yahay koox aan ka badneyn 400 oo qof oo isugu jira Siyaasiyiin ka kala tirsan Xukuumadda, Guurtidda, Wakiiladda, Dawladaha Hoose iyo Xisbiyadda Qaranka. Waxa soo raaca tiro yar oo iyagu aan intaa midna ahayn oo qalad iyo saxba ku taageeraya waxa dalka ay ka sameynayaan kooxdaasi. Dhamaantood shakhsiyaadkaasi waxay eeganayaan dano gaar u ah iyaga. Kooxdan Siyaasiyiinta ahi sharciyaddii dalka ayeey qoorta iskaga duubtay. Shacabkii waa la kala qoob-qoobay oo reero ayaa loo kala takooray. Waxa jira laba Gole Baarlamaan (Guurti iyo Wakiillo) iyo Madaxtooyo doonaya inay kuligood kursigga ku fadhiyaan ilaa intii u suurtogal ah. Kordhisku wuxuu dan u yahay nimankaasi mushaharka iyo mashaariicdda jaqaya ee kuligood doonidda wada saaran. Ilaahay iyo Ummaduba way ka war hayaan in ay jiraan dad wanaagsan oo ka tirsan siyaasiyiintaa aan idiin soo sheegay oo odhan mayno siyaasiyiinta oo dhami way wada xun yihiin. laakiin badankoodu waa kooxo isku shaqaysta oo uu u afduuban yahay dalku.

Xildhibaanaddu way ogyihiin in aanay dan u ahayn in doorashaddu qabsoonto, oo qaarbaaba toos noogu yidhaahda; ” iska xidhi mayno qasabaddan noo socota”. Inkastoo ay xisbiyadda qudhoodu wax badan ka qaldan yihiin, haddana tanaasul weyn iyo bisayl siyaasadeed bay muujiyeen oo aan la mid ahayn tii uu Kulmiye sameyn jiray berigii uu mucaaridka ahaa. Shacabka ayaa ah awoodda ugu sareysa ee dalka, mana filaayo in ay mar danbe aqbali doonaan in ay doorashaddu dib uga dhacdo xilligaa imika loo qoondeeyey ee qaranku duuduubka ku liqeen. Adduunka kale sicirka roodhidda oo la kordhiyo ayaa ay shicibku dareenkoodda muujiyaan oo keenta kacdoon dadweyne, laakiin Somaliland boqol qalad, boqol boob, iyo jaah wareer weyn ayaa ka dhacay 5 tii sano ee ay Kulmiye taladda dalka hayeen. Xataa waatii uu madaxweynahu u balan qaaday ummadda dhowr jeer in aanay doorashadu maalin dib uga dhici doonin. Laakiin balan qaadkii madaxweynahu waakii beenoobay. Dal wuxuu dal noqdaa marka qof kastoo muwaadin ahi uu ka dhiidhiyo xumaanta, wanaagana taageero. Waana lama huraan in farta lagu fiiqo masuulka mar hore been sheegay, oo balan danbe aan laga dhegaysan. Haldoorka dalkuna yaanu indhaha ka qarsan geedi socodka Somaliland iyo hiigsiga ummadda. Siyaasiyiintuna danta shacbka ha ka horeysiiyaan tooda gaarka ah ileyn Ilaahay baa qadaray cidda kursiga fuuli doonta oo samadda ayeey ka qoran tahaye. Allow Sahal Umuuraha.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories