HomeSomaliland Waxay Samaysatay Nidaam Sharci Oo Cadaaladda Loo Maro, Siyaasiga Wax Tirsanayaana...

Somaliland Waxay Samaysatay Nidaam Sharci Oo Cadaaladda Loo Maro, Siyaasiga Wax Tirsanayaana Nidaamkaas Ayuu Ku Khasbanyahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

LafcanbePhoto1Waxaa dalka ka qabsoontay dooroshadii golaha deegaanka oo ay u tartameen murashaxiin ka tirsan shan urur oo cusub iyo Labadii xisbi ee hore KULMIYE, UCID.  Waxaa imika tartankii ku soo baxay labadii xisbi ee hore iyo ururka wadani oo noqday in uu isna u gudbo heer xisbi oo ka mid ah sedexda xisbi qaran ee sii jiri doona sanadaha soo socda.  Sideedaba doorasho iyo tartan marka la wada galo qofna wuu waaya qofna wuu guulaystaa. Musharaxiintii u cararay doorashadan golaha deegaanka ee ka tirsanaa ururada iyo xisbiya sooo baxay iyo kuwii ka tirsanaa ururada soo bixi waayay waxaa waajib ku ah in ay doorashadan ay u carareen ugu tala galaan markoodii horeba guul iyo guul darro labadaba.  Waxaa xaqiiq ah in khalad iman karo inkastaba ha la ekaadee,  waxaa dhici kara in khaladaadka dhaca ay noqon karaan qaar caydaymo leh oo ciddii masu’uulka ka ahayd ay ku caddahay khaladka ay sababeen. Waxaa kale oo lagu celceliyaa inta badanna dhacda had iyo goor khaladaad aan jirin oo la mala awaalay ahna qarjajac iska ku tidhi ku teen ah oo qofba qof warka siinayo, oo marka caddayn iyo wax la taaban karo loo is waydiiyana ay noqoto markaa wax aan jirin iyo dariiq iska soo xidhmay. Waxaa kale oo jira Khalad aan jirin oo aan dhicinba balse cidda samaysay la doonayayaan in xaalad lagu fushado oo musharax iyo xisbi guuldaraystay ay shacabka u been sheegaan uguna tala galeen in ay dadka ku kiciyaan.
Doorashadan golaha deegaanku waxay ahayd mid ka duwanayd doorashadii ugu horaysay ee golaha deegaanka ugu horaysay. Waxay kaga duwanayd doorashadii ugu horaysay ee golhii deegaanka ee hore in musharaxiinta ururadii jiray markaasi ay  soo sharaxaynayeen oo soona xulanayeen qofka marka ay u arkayeen in leeyahay  tayo ku soo bixi karo.  Dadkii codka bixinayayna waxay codka ku siinayeen oo codaynayeen urur siyaasadeed halka imika musharaxiintii tartanka ay ay la imanayayeen beelo iyo suldaanno wada socdaa. Dadweynihii codka bixinayayna  waxay u codaynayeen musharax gaar ah oo qof kastaaba  wuxuu ku mitidayay in musharax beeshooda ah uu codka siiyo, arintuna waxay noqotay markaa ya ALLAA bi nafsii.  Xisbiyadan iyo ururadan tartanka wada galay iyo kuwii hore ee salaanka ka siibtayba dhamaantood waxay  si wadajir iyo si cad oo aan mugdi lahayn loo wada ogaa in ay u wada ogalaadeen in doorashadan lagu galo diiwaan galin la’ aan.  Ururada cusub iyo xisbiyaduba waxay dhamaan is la ogolaayeen oo ay ku wada socdeen in dooraashada lagu dhakhsado iyaga oo mar  walba culays saarayay toddobada xubnood ee ah Komishanka Qaranka Somaliland.   Musharaxiintii Xisbiyada iyo ururadii tartankan doorashada deeganka wada galay doorashadan waxay ku eegteen il kaliya  oo ahayd in mid kastaaba iska dhaadhiciyay iskana dhigay inuu  isagu yahay ka kaliya ee soo baxaya ee guulaysan doona,  balse marnaba doorashada waad waayi kartaa xisaabta kumay darsan. Doorasho  aan diiwaan galin lahayni waxa ay leedahay dhibaato waxa kale oo xisbiyadaas iyo ururadaasba kala waynayd  wax kasta in doorashada la dadajiyo oo looguu dhakhsada.  Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay sideedaba ku khasban yihiin inay qaataan go’ aan kasta oo xisbiyada iyo ururada tartamayaa isku raacaan sidaasaana  komishanka qaranku doorashada ku qabanayaan . Waxaa  kale  oo xisbiyadan jiray iyo ururadiiba wada saxeexeen inay aqbalayaan natiijada ka soo baxda doorashada deegaanka. Anigu uma jeedo xisbi ama urur xaqdarro tirsanayaa oo go’aanadan saxeexay ha la cabudhiyo oo khasab ha lagu aqbalsiiyo waxaan se ujeeda aynu kala saarno qaranimada iyo siyaasadda hana la maro dariiqa ay leedahay ee inoo qoran. Maanta go’aankii xisbiyada iyo ururada tartamay ay wada ogolaadeen inay haddana ka hor yimadaan markii xisbigiisii  iyo musharaxiisii guuldaraystay waa mid khalad ah.
Waxaan maqaalkaygan aan ku soo khatimayaa,  sida aniga iga dhaadhacsan in xisbiyadii iyo ururadii tartanka wada galay midna aanu ahayn ama se  ku shaambadaysnayn magac beeleed. Waxaan aaminsanaa in ururada qaarkood oo soo bixi waayay  in xubnaha musharaxiinta u ahaa ay ka koobnaayeen dhamaan deegaanada dalka Somaliland oo dhan.  Maanta waxaa inala gudboon in nidaamka dawliga ah ee aynu samaysanay la wada ixtiraamo bal lana sugo marka maxkamad la maro wixii ay ku dambayso. Waxaa inala gudboon in wixii tabasho iyo cadaymo ah loo soo bandhigi karo oo loo maro maxkamadaha qaranka.  Waxaan taageersanahay in ururada cabanaya ee wax tabanaya aan la cabudhin ee ay cadaymo wixii ay hayaan maxkamaduhu ka dhagaysto. Waxaa kale oo aan taageersanahay isla mar ahaantaasna  in musharaxiintii iyo madaxda ka tirsan ururada soo bixi waayay ee cabatinka sheeganayaana aanay shacabka ku kicin caadifad beeleed oo aanay nabada khalkhal inaga galin kursi baan heli waayay darteed. Waxaa muhiim ah in la ogaado in todoba urur iyo  laba xisbi in marnaba aanay soo wada bixi karin  oo qaarna dabcan guulaysanayaan qaarna guul daraysanayaan balse khalad wixii cabatinii leeyahay dariiq iyo nidaam loo maro. ILLAAHAY waxaan inooga baryayaa kuwii dariiqa toosan isku raaca talooyinkana ku heshiiya.

Maxamud Caydiid Lafcanbe

Toronto, Canada

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories